Wednesday, July 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
53 minutes ago
in Wararka
0
Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagtay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Islamabad, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Safiirka Soomaaliya ee Pakistan, Danjire ShiikhNur Maxamed Xasan, iyo dhammaan hawlwadeennada Safaaradda.

Related posts

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

July 15, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026

Booqashadan ayaa ahayd mid xambaarsan qiimo iyo xusuus gaar ah, maadaama Wasiir Khadiija ay muddo lix sano ah soo ahayd Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Pakistan. Intii ay xilkaas haysay, waxay hormuud ka ahayd xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo hirgelinta guulo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid ahayd dhismaha xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan.

Intii ay booqashada ku jirtay, Wasiirku waxay warbixin ka dhegeysatay Safiirka iyo masuuliyiinta Safaaradda oo ku saabsan howlaha socda, adeegyada la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan. Sidoo kale, waxay bogaadisay shaqada ay hayaan madaxda iyo shaqaalaha Safaaradda, iyada oo ku dhiirrigelisay inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda ku aaddan u adeegidda qaranka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ugu dambeyn muujisay farxaddeeda ku aaddan dib ugu soo laabashada xaruntii ay muddo dheer hoggaaminaysay, iyadoo xustay in Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan ay leedahay kaalmo iyo xusuus gaar ah oo ku suntan safarkeeda diblomaasiyadeed. Waxay sidoo kale uga mahadcelisay Safiirka Soomaaliya ee Pakistan, Danjire ShiikhNur Maxamed Xasan, iyo dhammaan hawlwadeennada Safaaradda soo dhaweyntii diirraneyd iyo sida hufan ee ay uga warbixiyeen horumarka iyo howlaha ay Safaaraddu maanta waddo.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Next Post

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

Next Post
Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

July 15, 2026
0

Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa sheegtay in commandos-ka Danab ay dileen toddoba dagaalyahan oo kooxda Khawaarijta Al-Shabab ah, oo ay ku...

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

July 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta booqasho rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development...

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe), oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In