Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development Forum), oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Machadka Heritage iyo Jaamacadda City.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa madasha ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar muuqda oo dhinacyada dib-u-habaynta dowladnimada, dimuqraadiyadda, kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga horumarineed, inkastoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada, hoos u dhaca taageerada caalamiga ah iyo saameynta xasillooni darrada gobolka.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Waxa uu xusay in dowladda ay ka go’an tahay dardargelinta hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), xoojinta adkeysiga dhaqaalaha iyo u diyaar-garowga khataraha soo socda.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-hadalka, dowlad-dhiska loo dhan yahay iyo iskaashiga dowladda, bulshada rayidka ah, aqoonyahannada iyo bah-wadaagta horumarinta, si loo helo Soomaaliya nabad ah, dimuqraadi ah oo xasilloon.

Shirweynaha oo socon doona laba maalmood ayaa lagu falanqeyn doonaa arrimo muhiim u ah mustaqbalka dalka, oo ay ka mid yihiin dowlad-wanaagga, dib-u-heshiisiinta, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo adkeysiga Soomaaliya ee caqabadaha gudaha iyo kuwa dibadda.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Next Post

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Next Post
Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In