Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.
Wasiirka ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Shiinaha, gaar ahaan dhismaha Xarunta Qurba-joogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo sidoo kale taageerada dhinacyada horumarinta iyo waxbarashada.
Wasiirku waxa uu sheegay sida Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.











