Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf (Cali Xoosh), ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay khatar la xiriirta daadad iyo fatahaado uu sheegay in dalka ku soo wajahan, kuwaas oo lala xiriirinayo xaaladda cimilada ee Super El Niño.
Wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay inay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada u nugul fatahaadaha iyo daadadka.
Sidoo kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo awood u leh inay gacan ka geystaan caawinta dadka nugul iyo kuwa ay saameyn karto xaaladda soo food saartay, si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara daadadka iyo fatahaadaha.










