Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa booqday xarunta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene-Beene).
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda u soo bandhigay warbixin ku saabsan horumarka iyo waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya muddadii afarta sano ahayd ee ay xilka haysay.
Wasiirka waxaa booqashada ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Xoosh.
Intii lagu guda jiray afarta sano ee la soo dhaafay, siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxay gaartay guulo taariikhi ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin xubinnimada buuxda ee Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), helitaanka kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddada 2025–2026, iyadoo Soomaaliya laba jeer guddoomisay Golaha, iyo sidoo kale doorashadii Soomaaliya loogu doortay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (AU PSC) muddada 2026–2028.
Guulahaan ayaa muujinaya dib u soo noqoshada iyo kororka doorka Soomaaliya ee fagaaraha caalamiga ah, iyo sida ay diblomaasiyadda Soomaaliya uga shaqeysay xoojinta xiriirrada caalamiga ah iyo kor u qaadidda kaalinta dalka ee hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah.










