Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo saldhig u noqonaya dhismaha Jaamacadda Tiknoolajiyada Soomaaliya (TUS University).

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Warkaan oo lagu daabacay Bogga ay Wasaaraddu ku leedahay Baraha Bulshada ayaa lagu sheegay in Jaamacadda cusub ayaa bixin doonta waxbarasho farsamo iyo mid xirfadeed oo tayo leh, iyada oo Jaamacadda Doxa (UDST) ay ka taageerayso Manhajka, Tayeynta Macallimiinta, hubinta tayada iyo Shahaadaynta.

Wejiga Koowaad ee mashruucan ayaa diiradda saaraya takhasusyo ay ka mid yihiin Tiknoolajiyada, cilmiga Badaha, Duulista, Batroolka, Injineernimada, Tamarta iyo maaraynta Caafimaadka, taasi oo gacan ka geysanaysa kobcinta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029-ka, waxaana lagu horumarinayaa tayada Waxbarashada iyo xirfadaha looga baahan yihiin suuqa shaqada, iyada oo mudnaan la siinayo tababbarka Macallimiinta Soomaaliyeed ee noqonaya maamulka iyo xoogga tacliin bixinta ee Jaamacadda cusub.

Ugu dambayn, Wasaaradda Waxbarashada , Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda iyo shacabka Qatar taageerada iyo iskaashiga joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Dhanka Wasaaradda Waxbrashada waxaa heshiiskan u saxiixay Maxamed Cabdullaahi Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare, dhanka Jaamacadda UDST-na waxaa u saxiixay Prof Rashid Benlamri, Madaxweyne Ku Xigeenka dhanka Waxbarashada ee Jaamacadda UDST.

Munaasabadda saxiixa heshiiskan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Dalka Qatar iyo Mas’uuliyiin sare oo ka socday Jaamacadda UDST.

Previous Post

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Next Post

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Next Post
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In