Hoggaamiyaha Xisbiga African National Congress Cyril Ramaphosa,ayaa shir guddoomiyay kulan Xisbiga ANC kaga wada hadlayeenย Mustaqbalka Madaxweynanimada ee Jacob Zuma.
Hoggaamiyaha Xisbiga ANC Cryil Ramaphosa ayaa caddeeyay in arrinta hogaamiyihii hore ee Koofur Afrika Jocob Zuma ay abuureyo midnimo laโaan.
Mr Ramaphosa ayaa u sheegay boqolaal taageerayaashiisa ka mid ah kuwaasoo u dabaaldegayay dhalashada sanad guurada boqolaad ee aasaasihii xisbiga ANC Nelson Mandela in South Afrika ka gudbi doonto caqabadaha haatan jira oo Musuqmaasuqu ugu wayn yahay.
Warar aan la xaqiijin ayaa muujinaya in Mr Zuma uu ogoladay in uu is casilo balse uu dalbaday in muddo saddex bilood ah uu xafiiska sii joogo.
Mabโda ahaan wuu iska dhagatiri karaa dalabka xisbiga ee ah in uu xilka ka dago , balse taasi waxa ay horseedi kartaa in codka kalsoonida ay u qaadaan Baarlamaanka taasi oo caddayn karta kala qaybsananta xooggan ee xisbiga dhexdiisa.