Dr. Cabdulcasiis Bin Cusman oo ah Agaasimaha Guud ee Ururka Islaamka u qaabilsan Tacliinta, Culuunta iyo dhaqanka ayaa booqasho shaqo ah ku tagay Xarumaha Ururka Iskaashiga Islamka ee magaalada Jiddeh oo uu ku jiro Bangiga hotumarinta Islaamka.
Agaasimuhu intii uu Xarumahaasi booqanayay waxaa la socoday Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yuusuf Bin Xamad Alcusameyn iyo Bandar Mahamed Xamza oo ah Guddoomiyaha Bangiga horumarinta Islaamka,waxayna booqashadaa kadib kulan gaar ah oo ay yeesheen ay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Ururka ALESCO iyo kan horumarinta Iskaashiga islaamka gaar ahaan dhinacyada bulshada.
Sida laga warqabo Ururka ALESCO, ayaa waxa u Sanadkii 1984 kii magaalada Jeddeeh ee Caasimadda Boqortooyada ,heshiis isfaham ah ugula saxiixday Ururka Iskaashiga islaamka ,sidoo kale Sanadkii 1987 dii isla magaalada Jeddeh waxa u heshiis kale oo Iskaashi ugala saxiixday bangiga horumarinta Islaamka.