Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo kormeer ku tagay Bar-xuduudeedka  Qeydar +Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo kormeer ku tagay Bar-xuduudeedka  Qeydar +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kormeerkan uu Gaashaanle sare, Maxamed Aadan Koofi, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda uu ku tagay bar-xuduudeedka deegaanka Qeydar ee Gobolka Galgaduud oo ku taala Xuduuda Ethiopia ayaa waxaa ku wehlinayay Taliyaha qaybta Boliiska Galmudug General Bishaar Abshir Geedi ,Gudoomiyaha magaalada Guriceel Faarax Macalin Cabdi iyo Saraakiil ka tirsan Galmudug.

Agaasime Koofi iyo mas’uuliyiinta kale ayaa la kulmay dadka deegaanka Qeydar waxayna warbixino ka dhageysteen odayaasha iyo dhalinyarada deegaanka.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Guddoomiyaha magaalada Guriceel, Faarax Macalin Cabdi, ayaa sheegay inuu heer gababa ah marayo dhismaha xafiiska bar-xuduudeedka deegaanka Qeydar oo ay ku howlgali doonaan saraakiisha Hay’adda Socdaalka si looga warqabo isusocodka xuduuda.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS G/sare Maxamed Aadan Koofi, waxa uu xusay in ka hay’ad ahaan ay wax ka qabanayaan baahiyaha ay sheegeen dadka degaanka, isagoona codsaday dadka ku nool deegaanka inay la shaqeeyaan xubnaha hay’dda ee ku shaqeyn doona bar-xuduudeedka Qeydar.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS ayaa sanadihii la soo dhaafay xafiisyada socdaalka ka hirgalisay bar-xuduuudeedyada Soomaaliya si loo la socda dadka dalka soo galaya loona hubiyo dokumentiyadooda.

Previous Post

Alshabaab oo Miinooyin ku aasay degaanka Shabeellow ee Gobolka Mudug

Next Post

Qatar Mareykanka u sheegtay in wali ku dhegan tahay qorshaha ‘Xalka labo dowladood’ ee Falastiin iyo Isreal

Next Post
Qatar Mareykanka u sheegtay in wali ku dhegan tahay qorshaha ‘Xalka labo dowladood’ ee Falastiin iyo Isreal

Qatar Mareykanka u sheegtay in wali ku dhegan tahay qorshaha 'Xalka labo dowladood' ee Falastiin iyo Isreal

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In