Friday, September 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafintaย  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tababar bille ah oo ku saabsan isku-dubaridka fariimaha ka dhanka ah Khawaarijta magaalada Muqdisho uga furay inta badan howl-wadeennada gobollada dalka uga soo warama warbaahinta Qaranka.

Agaasimaha ayaa ujeedka tababarkan ku sheegay isku-dubaridKa wararka, fariimaha ka dhanka ah Khawaarijta,faallooyinka sameynta muuqaalada iyo ilaalinta bedqabka wariyaha ka soo waramaya goobaha fara ku tiriska ah ay ku harsan yihiin cadowga dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026

โ€ Tababarkan oo ah tababar bil kasta la qabto oo loo qabtay wariyaasha kala duwan ee warbaahinta qaranka iyo muuqaal duubayaasha ( Camero-man), ujeeddaduna tahay sidii la isugu dubaridi lahaa arrimaha fariimaha ka dhanka ah Khawaarijta haddii ay ahaan lahayd wararka, faallooyinka, sameynta muuqaalada iyo ilaalinta bedqabka wariyaha ka soo waramayo goobaha ay joogaan Khawaarijta oo marar badan oo kala duwan la qabtay siina socon doona,โ€.

Sidoo kale, Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa soo dhoweeyay suxufiyiinta warbaahinta qaranka uga soo waramaya gobollada dalka ee qeybta ka ah tababarkan, isagoo dhanka kale, tilmaamay in tababarkan muhiim u yahay ururka haweenka oo door weyn ku leh ah dagaalka ka dhanka Khawaarijta ee ka socda dalka.

โ€ Waxaan aad u soo dhoweyneynaa suxufiyiinta laga keenay gobollada, kuwaas oo ka soo warama gobollada iyo goobaha laga xoreeyay Khawaarijta iyo kuwa laga xoreyn doona intaba, tababarkani wuxuu muhiim u yahay warbaahinta qaranka gaar ahaan wariyaasha muuqaal duubayaasha iyo kuwa la shaqeeyaba, sidoo kale, wuxuu muhiim u yahay ururka haweenka oo iyaguna qeyb ka ah dagaallanka Khawaarijta, waxayna leeyihiin barnaamij la yiraahdo โ€ Gurigaada ka saar Garan-waaga,โ€,ย  ayuu yiri Agaasime Ducaale.

Tababarkan oo ay soo qagaasintay waaxda tababarka iyo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta XFS, ayaa socon doonaย  muddo shan cisho ah, wuxuuna agaasime Cabdullaahi Xayir Ducaale, kula dardaarmay wariyaasha warbaahinta qaranka ka socda ee ka kala yimid gobollada dalka in ay si wanaagsan uga faaโ€™ideystaan, wixii ay ka bartaanna ku celiyaan hayโ€™adaha iyo goobaha ay ka kala yimaadeen, haba ugu badnaadaan wariyaasha gobollada ka yimid oo 14-warye gaaraa.

Previous Post

Safiirka JFS ee Turkiye oo booqday xabsiyo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaali ah

Next Post

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka

Next Post
Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In