Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoon isweydaarsi ku saabsan dowlad wanaagga oo Muqdisho ka furmay+sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Aqoon isweydaarsi ku saabsan dowlad wanaagga oo Muqdisho ka furmay+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aqoon isweydaarsigan oo ku saabsan fahamka Hoggaaminta Dowlada Wanaaga oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa maanta magaalada Muqdisho looga furay 50 kamid ah howlwadeenada maamulka Degmada Hodan iyo Dhalinyarada degmadaasi.

Waxaa soo qaban qaabiyay kan ka qeyb qaadanaya dood cilmiyeedkani mas’uuliyiin ka socota hay’adda EISA ee ka shaqeeysa arrimaha doorashooyinka oo fadhigeedu yahay Dalka Koonfur Africa uuna kamid yahay Justin Doua Gore oo Soomaaliya u qaabilsan,mas’uuliyinta maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmaad Hodan.

Related posts

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025

Justin Doua Gore oo EISA  Soomaaliya u qaabilsan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan caasimadda iyo maamulka gobolka Banaadir ay uag saacidi lahaayeen sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo wacyiga bulshada.

Guddoomiyaha degmada Hodan C/xakiin C/raxmaan Ciise Dhagajuun Ayaa ku booriayay dhalinyaradan degmada in ay ka faaidaystaan dood wadaagani si ay uga helana qibrada iyo aqoon ku saab dowlad wanaaga.

“Ujeedku waa dowlad wanaaga iyo Dimoqraadiyada,waxaan doonaynaa in ay ka faa’idaystaan dhalinyarada degmada Hodan,ma ahan oo kaliya Hodan waxaan rabnaa in dhamaan dhalinyaradu ay ka faa’idaystaan dowlad wanaaga,degmada Hodan waa degmadii labaad ee laga qabanayo aqoon isweydaarsiga”. Ayuu yiri guddoomiye C/xakiin.

C/fataax Cali Xasan Agaasimaah amniga maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay ahmiyadda aqoon isweydaarsigan oo kale uu u leeyahay bulshada.

“Shaqadan haddda maanta aad u fadhisaan waxaa ay qeyb ka tahay shaqooyin uu maamulka gobolka Banaadir uu hoos u soo daadejiyay,degmadii labaad ayaad noqoteen oo barnaamijka ka qeyb qaadata,waxaan rajeynayaa in sababta ay tahay maadaama uu dalku u socdo doorashooyin,maamulka gobolkana doorasho u socdo in hoos loo daa dejiyo,waxaan filayaa in dhalinyarada oo ah cod bixiyaasha ugu weyn ay wax badan ka fahmaan,doorashooyinka maamul wanaaga,waxyaabahaasi oo idil in aad barataan”. Ayuu yiri agaasime C/fataax.

Sawir qaade Maxamed (Feereysane)

 

 

Previous Post

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya

Next Post

Somalia’s first ICT exhibition opens in Mogadishu

Next Post
Somalia’s first ICT exhibition opens in Mogadishu

Somalia’s first ICT exhibition opens in Mogadishu

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

November 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In