Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 months ago
in Wararka
0
Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo  ka furmay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta ka furtay magaaladda Baydhabo Tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya oo ka qeyb galayaan 20 suxufiyiin oo kala matalaya xarumaha Warbaahinta.

Aqoon isweydaarsigani oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaana uu diiradda saarayaa kaalinta Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka dalka si ku dhisan dhexdhaxaadnimo iyo eex la’aan dhinacyada doorashada si waafaqsan mabaadi’ida saxaafadda iyo sharciga Doorashooyinka iyo xeernimayayaasha

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Agaasimaha Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska JFS mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, ayaa uga mahad celiyay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Koonfur galbeed iskuduridka tababarka iyo sida ay marwalba wadashaqaynta wanaagsan ula leeyihiin Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, isaga oo sheegay ujeedka tababarkani yahay kor u qaadista kaalinta Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Iyo wacyi galinta bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Cumar Mustafe oo furay Tababarka ayaa xubnaha wariyayaasha ah ee matalaya Warbaahinta Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Koofur Galbeed kula dardaarmay ka faa’iidaysiga casharada tababarka iyo dhaqan galinta waxa ay dhaxlaan khubarada bixinaysa aqoon isweydaarsiga isaga oo bogaadiyay iskaashiga Wasaaradda Warfaafinta ee heer Federaal ee kor u qaadista wacyi Warbaahinta.

Aqoon isweydaarsigani oo ah tixane looguna talo galay kor u qaadista fahamka Doorashooyinka iyo kaalinta muhiimka Warbaahinta ee suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaa taageeray howlgalka xilliga kala guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS) si loo xoojiyo Warbaahinta wax u tabisa si hufan, madax banaan oo ku dhisan dhexdhaxaadnimo

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Marwo Josephine Sundqvist

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In