Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay Jaamacadda RAF ee dalka Kenya “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay Jaamacadda RAF ee dalka Kenya “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munsabad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay ilaa 107 arday oo ah dufacdii 4 aad ee ka qalin jebisay jaamacada Raaf oo ka dhacday Xarunta Jaamacadaasi ay ku leedahay  magalada Kajedho  ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirssan dowlada Kenya oo ay ka mid ahaayeen wasiirka dhalinyarada,ciyaaraha iyo fanka ee fanka ee Kenya Xasan waariyow,Abubakar Ogle oo ka tirsan Baarlamanka Bariga Africa,Afhayeenkii hore ee baarlamanka kenya farax macalin Safiirka Safaarada Suudaan iyo kan sacuudiga ee kenya Senatarada laga Soo doorto Ismaamulka Waqooy bari ee kenya ee wajiir iyo Gaarisa,Culimaa udiin aad u farabadan waalidiin iyo marti sharaf kale.

Ardayda ka qalin jebisay Jaamacada islaamiga ah ee raaf oo u badnaa Soomaali isla markaana ka kala yimid magaalooyinka Nairobi iyo mombasa ayaa waxay isugu jireen  26 gabdhood oo ka qalinjebiyay kuliyada tarbiyada iyo 36 dhameysatay kuliyadaha waxbarashada iyo Darasadka islaamka iyo 60 kale oo iyaguna ka qalin jebiyay kulinyada Sharciga.

Related posts

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026

Madaxa jaamacada RAF Sheekh Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa waxa uu ka warbixiyay ujeedka munaasabada isagoona ka warbixiyay Kuliyado Cusub oo ay kusoo kordhinayaan Jaamacaasi.

“Meeshan maanta waxan isugu nimid inan u hambalyeyno Ardayda Kuliyada Sharciga oo ka yimid magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa,kulada kuliyada daratadka islaamka Ardayda kuliyada trbiyada hablaha muslimaadka ee ka qalinjebiyay ayaan u nimid inaan shahaadooyinkoodii gudoonsiino.

waxaa sidoo kale jira kuliyado cusub oo aan soo kordhinay waxan u fursay mastar oo suudaan ay nasiineyso,waxana hada u fureynaa PHD oo ay nasiineyso Suudaan oo iyadana Suudaan nasiisay”

Masuuliyiintii ka qeyb gashay Munaasabada oo Qudbado bogaadin ah ka jeediyay halkaasi ayaa waxay si weyn ula dar daarmeen Ardayga ka qalin jebisay Jaamacada RAF iyagoona sidoo kale uga mahadceliyay Masuuliyiinta Safarada Suudan iyo Sacuudiga deqaha waxbarasho oo ay Siiyaan Ardayda wax ka barata Dalkani Kenya.

Afhayeenkii hore ee Baarlamanka Kenya Farax Macalin oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ka hadlay Munasabada ayaa waxa uu dar daaran usoo jeediyay Ardayda isagoona baaq u diray Culimaa udiinka Soomaaliyeed.

“Culimada Soomaaliyeed hadan Soomaali nahay waanu bur burnaye war Culimooy heshiiya,dhalinaradiina wax soo baratayna waxan idin leeyahay waxan rabnaa inaad wax qiimo leh kusoo kordhisaan nolosheena iyo musliminta wadanka iyo guud ahan gobalka”

Gaba gabadii Munaasabada ayaa waxaa halkaasi shahaadooyinkooda lagu guusiiyay Ardaydii qalin jebisay oo dufcadii  4 aad ee ka qalinjebisa Jaamacada Rafi iyadoo  ay horay uga qalin jebyeen in ka badan 300 oo Arday oo dhameystay kuliyadaha kala duwan ee jaamacaasi.​

IMG_7619 IMG_7624 IMG_7626 IMG_7629 IMG_7643 IMG_7648 IMG_7657 IMG_7680 IMG_7721 IMG_7733 IMG_7745

Previous Post

Prmier Bank oo laan cusub ka furay Suuq-bacaad+SAWIRRO

Next Post

Heshiis nabadeed oo ay gaareen beelo ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose

Next Post
Heshiis nabadeed oo ay gaareen beelo ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose

Heshiis nabadeed oo ay gaareen beelo ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
0

Wafdi uu Hoggaaninayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa socdaal ku maraya deegaano iyo...

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

July 24, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda...

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In