Monday, October 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda Kulliyadda Saxaafadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo aqoon kororsi u tegay Madaxtooyada Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 8, 2021
in Wararka
0
Ardayda Kulliyadda Saxaafadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo aqoon kororsi u tegay Madaxtooyada Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxtooyada Qaranka ayaa u fidisay booqasho aqoon kororsi ah arday ka tirsan Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ku jira sannadkii u dambeeyay ee waxbarashadooda heerka koowaad ee Jaamacadda.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Mudane Maxamuud Bashiir Jaamac iyo Madaxa Xiriirka Warbaahinta Mudane Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black ayaa ardayda ku soo dhoweeyay Madaxtooyada Qaranka, gaar ahaan qaybta ay ku shaqeyso Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya

October 5, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

October 5, 2025

Agaasime Ku-xigeenka Warfaafinta Madaxtooyada ayaa soo dhoweyn kaddib ardayda la wadaagay warbixin ku saabsan shaqada Waaxda Warfaafinta iyo qaybaha ay ka kooban tahay, waxa uuna xusay muhiimadda ay ardayda barata saxaafadda u leedahay in ay fahan buuxa ka helaan habka ay u shaqeeyaan hay’adaha Warfaafineed ee Dowladda.

Sidoo kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo u mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta oo door siiyay Ardayda ayaa ballan qaaday in Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Qaranku uu diyaarin doono qorshe isugu jira tababar la siiyo ardayda si looga caawiyo in ay aqoontooda ficil u beddelaan iyo sidii hay’adaha dowladdu uga faa’iideysan lahaayeen. Waxa uuna kula dardaarmay ardayda in ay ka dhabeeyaan hammiga ay u hayaan horumarinta dalkooda.

Dhankooda, Ardayda Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda oo kulanka ka hadlay ayaa Agaasinka Warfaafinta Madaxtooyada u sharraxay heerarka ay soo mareen iyo sida ay uga go’antahay in ay si hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan dalkooda, waxa ayna masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Maamulka Jaamacadda Ummadda uga mahadceliyeen in ay sannad iyo barkii u dambeeyay fursad u siiyeen in ay tababar shaqo ka helaan Warbaahinta Qaranka.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 21 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post

James Swan iyo Wasiirka Haweenka oo kulan wada yeeshay

Next Post
James Swan iyo Wasiirka Haweenka oo kulan wada yeeshay

James Swan iyo Wasiirka Haweenka oo kulan wada yeeshay

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya

October 5, 2025
0

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Midowga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

October 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(KISMAYO):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal miino-baaris ah ka bilaabay deegaannadii laga xoreeyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal miino-baaris ah ka bilaabay deegaannadii laga xoreeyay Khawaarijta

October 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA HOOSE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada AUSSOM ayaa maanta hawlgallo miino baaris ah ka wada magaalada Awdheegle...

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda Korontada Qaranka

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda Korontada Qaranka

October 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta kormeer shaqo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In