Ciidamada Xoogga Dalka ayaa qasaare xoogan ugu geystay maleeshiyada Al-Shabaab deegaan hoosta magaalada Buur-dhuube ee Gobolka Gedo, kadib markii ay ciidamadu ay weerar ku qaadeen fariisin ay argagixisadu ku dhibaateyneysay shacabka.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan qiyaastii 35 km dhanka Galbeed ka xiga Buurdhuube oo ka tirsan Gobolka Gedo, halkaasi oo ay ciidamada xoooga dalka ay jab xoogan ugu geysteen Al-shabaab, isla markaana ay gacanta ku dhigeen tiro ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, iyadoo warku intaa ku darayo in la gubay gaadiid dagaal.
Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Gedo Cumar Caydaruus ayaa ku soo waramay in saraakiisha ciidamada Xoogga ay si hordhac ah u sheegeen in qasaare xoogan loogu geystay Al-Shabaab, isla markaana ay xogta oo dhameystiran goordhaw la wadaagi doonaan shacabka.
Shalay ayay ahayd markii ciidamada ay dagaal qasaare badan loogu geystay Shabaab uu ka dhacay isla deegaanka uu maanta dagaalku ka dhacay, waxaana saraakiisha ciidamada ay shaaciyeen inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.