Afhayeenka baarlamaanka Turkiga Numan Kurtulmuş, ayaa sheegay in baarlamaanka uu go’aansaday in aan la isticmaali karin Alaabaha ay soo saraan shirkadaha taageera gardarrada Isra’iil.
Kurtulmus, oo khudbad ka jeedinayay furitaanka mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayay gobolka Ordu ee waqooyiga Turkiga ku sheegay in baarlamaanka uu go’aamiyay inaan dalka laga isticmaali doonin wax soo saarka shirkadahan taageera fafalka gardarrada ah ee Isra’iil ay ka waddo dhulka Falastiin.
Afhayeenka baarlamaanka Turkiga, ayaa carrabka ku adkeeyay in shacabka Turkiga ay garab taagan yihiin dadka reer Falastiin, rgaar ahaan kuwa ku dulman Marinka Qaza.