Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Bahda saxafadda oo qado sharaf u sameeyay cayaartoyda 11-jirada Soomaaliya ”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Bahda saxafadda oo qado sharaf u sameeyay cayaartoyda 11-jirada Soomaaliya ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shabakadda Wararka Kulmiye iyo Bahda Saxaafadda ayaa maanta si wadajir  ah magaalada Muqdisho xaflad qado sharaf ah ugu sameeyay Cayaartoyda 11-jirada Soomaaliya ku matalayay Koobkii Iskuulada Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay magaalada Doha ee Dalka Qatar.

Xafladda ayaa waxaa Goobjoog ahaa Bahda Saxafadda, Cayaartooy hore, Macalimiinta Da’yarta maanta xafladda loo dhigay, Maamulka Iskuulka ay ka socdeen iyo waliba Cayaartooyada Da’yarta ah oo wajiyadooda ay farxad ka muuqatay.

Related posts

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026

Mas’uuliyiintii magaca bahda Saxafadda ku hadlay waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Tv-ga Horn Cable ee Muqdisho C/qaadir Maxamed Faarax Dulyar, Agaasimha Tv-ga Somali Chanel C/risaaq Jaamac Cilmi Black iyo Wakiilka Wakaalada Wararka AP Faarax Cabdi Warsame Faarax AP, kuwaasi oo dhamantood bogaadiyey guulaha ay Qaranka u soo hooyeen Cayaartooyda Da’yarta ah.

Agaasimaha Radio Kulmiye Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa ugu horeyn geesiyaasha 11-jirada ah ugu Hambalyeeyay Guulihii ay soo hooyeen iyo sida ay u ilaaliyeen magaca Ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu ku dhiiri geliyay Cayaartooyda Da’yarta ah in ay sii wadaan dadaalada nuucaan oo kale ah islamarkaana ku tilmaamay Jiil u soo baxay Soomaaliya Mustaqbalkana matali doona Qaranka Soomaaliya.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA C/raxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa tilmaamay in dhallinyaradan ay mudanyihiin soo dhaweynta intan ka badan, waxaana uu ku baaqay in si wada jir ah ay bulshada ugu istaagto dhiiri gelinta da’yarta 11-da dalkeena ee magaca ka soo hooyey tartankii lagu qabtay dalka Qatar.

Dhanka kale waxaa halkaa Shahaadooyin Dhiiro galin ah lagu Guddoonsiiyay Dhamaan Cayaartooydii, Maamulka iyo Macalimiinta Iskuulka Muqdisho.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15

Sawir Qaade:- C/llaahi Suldaan

Previous Post

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka furay mashruuc waxtar u leh bulshada “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhacdadii garoonka Jomo Kenyatta+War-saxaafadeed

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhacdadii garoonka Jomo Kenyatta+War-saxaafadeed

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday xarunta Qaybta 3aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo miino baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey

SNAF Clears IED in Gololey

April 6, 2026
0

The Somali National Armed Forces (SNAF) conducted a mine clearance operation today in the Gololey area, located in Balcad town...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In