Dhamaan bahada waxbarashada Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeysay Talaabada ay Dowladdaย kula wareegeyso Qaar ka mid ah Iskuulada waa weyn ee waxbarashada Dalka udub dhexaadka u ahaa.
Mid ka mida Macalimiinta Wax ka dhiga Iskuulada ku yaala Magaalada Muqdisho oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sharaxaya Faaโiidooyinka ku jira in Dowlada ay la wareegto Iskuulada ugu waa weyn Dalka.
โAnigoo ka mid ah Macalimiinta Iskuulka Raage Ugaas waxaan aad iyo aad usoo dhaweynayaa in Dowlada ay la wareegtay ilaa iyo hada Toban Iskuul, inay Dowlada la wareegto ama la Midowdo Iskuuladaasi waxaa ku jira faaโiidooyin waa weyn waxaa ka mid ah in lasoo saaro Arday Tayo leh oo Dowladana ay ka warheyso Tayadoodaโ.
Qaar ka mid ah Ardayda oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay Talaabooyinka Hormarka u ah Waxbarashada oo Dowlada Federaalka ay wado, iyagoo ku tilmaamay guul usoo hoyatay dhamaan Ardayda Soomaaliyeed in Dowlada ay gacanta ku dhigto Iskuulada ugu waa weyn Dalka.
Maamulka Iskuulka Raage Ugaas oo sidoo kale nala hadlay ayaa Talaabadan Dowlada qaaday ku tilmaamay mid wanaagsan, iyagoona sheegay inay raali ka yihiin in Dowlada ay la wareegto.
โArintaas way wanagsan tahay aniga waxaan wax ku bartay Waxbarashadii lacag laโaanta ee Dowlada ka dibna jaamacadii Umadda oo Lacag laโaan aheyd, waxaan ka mid ahay dadka wax ku bartay Waxbarashadii lacag laโaanta ee Dowliga diyaar ayaana u nahay inaan la shaqeyno Dowladeenaโ.sidaas waxaa yiri Maamulaha Iskuulka Raage Ugaas Cabdi raxmaan Maxamuud Cali
Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa dhawaan iskuullada Dowladda u qeybisayย Buugaagta Manhajka ย ee dhawaan ay diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.