Saturday, July 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taxanaha Tacliinta Soomaaliya (Qeybtii) 2-aad

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Taxanaha Tacliinta Soomaaliya (Qeybtii) 2-aad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaan qeybtii hore ku soo qaadanayay Taxanaha Taariikheed ee Tacliinta Soomaaliya ee Xilliyadii gumeysiga ka hor iyo waliba ka dib, qormadaan waxaan ku soo qaadan doonaa Tacliinta Soomaaliya ee waqtigii Xukuumadahii Rayidka ahaa:-

Xilligii dowladihii Rayidka ee 1960-1969kii:

Related posts

Wasiirka Deegaanka XFS oo Dhuusamareeb ilaa Gaalkacyo ka wada ololaha doorashada qof iyo codka ee Galmudug

Wasiirka Deegaanka XFS oo Dhuusamareeb ilaa Gaalkacyo ka wada ololaha doorashada qof iyo codka ee Galmudug

July 25, 2026
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqal Sare oo shir guddoomiyah kulanka Guddiga Joogatada ah

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqal Sare oo shir guddoomiyah kulanka Guddiga Joogatada ah

July 25, 2026

Waxbarashada gobannimada ka dib Horumarinta waxbarashada ayaa markiiba noqotay waxa ugu horreeyay ee la dardar galiyay markii xornimada la qaatay ee dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Soomaaliya sannadii 1960-kii.

Fikradda ah kaalinta waxbarashadu ay ka gali karto horumarka shakhsiyadeed iyo tan bulshaba ayaa markiiba lagu muujiyay hees wadani ah oo uu allifay Abwaankii weynaa ee Soomaaliyeed Allaha u naxariistee Cabdullaahi Qarshe, miraheedana ay kamid ahaayeen “Aqoon la’aani waa iftiin la’aane”, hase ahaatee, isbadallada dhabta ah ayaa ahaa kuwa ishu aysan qaban oo aad u nuxuus ahaa, horumar koobanna waxaa lagu sameeyay aqoontii yarayd ee laga dhaxlay gumaysiga .

Sababaha ay dawlaaddii cusbayd dib u habeyn ugu sameyn weyday una ballaarin weyday waxbarashada waddanka ayaa loo tiirin karaa dhowr caqabadood:

(1)- Iyada oo ay waddanka ka hirgashanaayeen labo nidaam oo waxbarasho oo kala duwan ayna kala keeneen laba gumeeyste oo waawayn, Ingiriiska iyo Talyaaniga.

(2)- ku kala gaaddisnaanta luqadda wax ku qoran yihiin.

(3)- manhajka la baranayo, oo aan wax shaqo isku lahayn, waxayna ahayd howl aan marnaba sahlanayn mideyntooda.

(4)-iyo tan kale oo aheyd in ay aad u adkaatay in la helo istiraatijiyad wax ku ool ah oo bulsho aad u ballaaran oo reer miyi u badan lagu gaarsiin karo waxbarasho.

Xornimada ka dib waxaa jiray dugsiyo ay dawladdu maamusho oo ay ka mid ahaayeen (scoula media) oo ku yaallay Muqdisho walina jira oo hada loo yaqaan Dugsiga Bartamaha Xamar, sidoo kale waxa jiray Machadka daraasaadka Islaamka, Machadka Macallimiinta iyo dugsiyo farsamo oo lagu baran jiray Ganacsiga, Warshadaha iyo Culuunta Badda.

Xilligaasi dugsiyada Sare ee Jamhuuriyadda ka jiray waxaa lagu qiyaasay ilaa 25 dugsi oo luuqadaha wax lagu bartana ahaayeen Ingiriis, Talyaani iyo Carabi, ma aysan jirin jaamacad dalka oo dhan, sidaasi darteed ayey ardayda Soomaaliyeed dibadda waxbarasho ugu baqooli jireen, tusaale ahaan Sanad dugsiyeedkii 1962/1963 ardayda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa wax ku baranayey waxay gaarayeen 1.500 oo arday, intooda badanna waxay ku sugnaayeen dalalka Masar, Talyaaniga iyo Ruushka, taasoo markii dambe laga dhaxlay kala duwanaansho dhanka aqoonta iyo dhaqanka ah, waxayna ka dhex muuqatay xisbigii leegada ama SYL oo markaas talada hayey.

W.D: C/laahi Ruush

Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir + sawirro

Next Post

Bahda Waxbarashada Soomaaliya oo soo Dhaweysay Hanaanka ay Dowlada kula wareegeyso Iskuuladii waaweyna ee Dalka

Next Post
Bahda Waxbarashada Soomaaliya oo soo Dhaweysay Hanaanka ay Dowlada kula wareegeyso Iskuuladii waaweyna ee Dalka

Bahda Waxbarashada Soomaaliya oo soo Dhaweysay Hanaanka ay Dowlada kula wareegeyso Iskuuladii waaweyna ee Dalka

Wasiirka Deegaanka XFS oo Dhuusamareeb ilaa Gaalkacyo ka wada ololaha doorashada qof iyo codka ee Galmudug

Wasiirka Deegaanka XFS oo Dhuusamareeb ilaa Gaalkacyo ka wada ololaha doorashada qof iyo codka ee Galmudug

July 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa 18-kii July 2026 gaaray...

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqal Sare oo shir guddoomiyah kulanka Guddiga Joogatada ah

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqal Sare oo shir guddoomiyah kulanka Guddiga Joogatada ah

July 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare,...

Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo IGAD oo daahfuray tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo IGAD oo daahfuray tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

July 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya, kaas oo ay ka...

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

July 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga qalinjabiyay Akadeemiyadda Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In