Wednesday, June 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bahda Waxbarashada Soomaaliya oo soo Dhaweysay Hanaanka ay Dowlada kula wareegeyso Iskuuladii waaweyna ee Dalka

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Bahda Waxbarashada Soomaaliya oo soo Dhaweysay Hanaanka ay Dowlada kula wareegeyso Iskuuladii waaweyna ee Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhamaan bahada waxbarashada Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeysay Talaabada ay Dowladda  kula wareegeyso Qaar ka mid ah Iskuulada waa weyn ee waxbarashada Dalka udub dhexaadka u ahaa.

Mid ka mida Macalimiinta Wax ka dhiga Iskuulada ku yaala Magaalada Muqdisho oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sharaxaya Faa’iidooyinka ku jira in Dowlada ay la wareegto Iskuulada ugu waa weyn Dalka.

Related posts

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

June 16, 2026
Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo ka qayb galay kulanka 28-aad ee guddida sare ee ururka IORA

Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo ka qayb galay kulanka 28-aad ee guddida sare ee ururka IORA

June 16, 2026

“Anigoo ka mid ah Macalimiinta Iskuulka Raage Ugaas waxaan aad iyo aad usoo dhaweynayaa in Dowlada ay la wareegtay ilaa iyo hada Toban Iskuul, inay Dowlada la wareegto ama la Midowdo Iskuuladaasi waxaa ku jira faa’iidooyin waa weyn waxaa ka mid ah in lasoo saaro Arday Tayo leh oo Dowladana ay ka warheyso Tayadooda”.

Qaar ka mid ah Ardayda oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay Talaabooyinka Hormarka u ah Waxbarashada oo Dowlada Federaalka ay wado, iyagoo ku tilmaamay guul usoo hoyatay dhamaan Ardayda Soomaaliyeed in Dowlada ay gacanta ku dhigto Iskuulada ugu waa weyn Dalka.

Maamulka Iskuulka Raage Ugaas oo sidoo kale nala hadlay ayaa Talaabadan Dowlada qaaday ku tilmaamay mid wanaagsan, iyagoona sheegay inay raali ka yihiin in Dowlada ay la wareegto.

“Arintaas way wanagsan tahay aniga waxaan wax ku bartay Waxbarashadii lacag la’aanta ee Dowlada ka dibna jaamacadii Umadda oo Lacag la’aan aheyd, waxaan ka mid ahay dadka wax ku bartay Waxbarashadii lacag la’aanta ee Dowliga diyaar ayaana u nahay inaan la shaqeyno Dowladeena”.sidaas waxaa yiri Maamulaha Iskuulka Raage Ugaas Cabdi raxmaan Maxamuud Cali

Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa dhawaan iskuullada Dowladda u qeybisay Buugaagta Manhajka  ee dhawaan ay diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Previous Post

Taxanaha Tacliinta Soomaaliya (Qeybtii) 2-aad

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Ciraaq

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Ciraaq

Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Ciraaq

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

June 16, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, 16 Juun 2026 Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga...

Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo ka qayb galay kulanka 28-aad ee guddida sare ee ururka IORA

Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo ka qayb galay kulanka 28-aad ee guddida sare ee ururka IORA

June 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, oo matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ka...

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
0

AMNIGA • Xoreynta deegaanno iyo magaalooyin ka badan 120 oo horay uga maqnaa gacanta dowladda. • Xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho....

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026
0

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, Sanad-dugsiyeedka 2025–2026,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In