Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Banaan bax ka dhan ah jinsi naceybka oo ka dhacay Koonfur Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxda Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koofur Afrika oo kulan ku yeeshay magaalada Cepe Town
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Banaan bax looga soo horjeeday Dhibaatada iyo jinsi naceybka lagu haayo Dadka ajaanibta ah ee ku nool South Africa ayaa lagu qabtay Magaalada Johannesburg

Banaan baxaan oo ahaa mid si weyn ay usoo agaasimeen daladda ay ku midansan yihiin qurba joogta Afrikaanka ah ee ku nool magaalada Johannesburg ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Johannesburg, waxaana looga soo horjeeday hadal dhawaan uu sheegay duqa magaalada Johannesburg Mashaba kaa oo ku saabsanaa in qaxootiga ay kaalin weyn ka qaateen amaan xumada ka jirta magaaladaasi ayna ka sifeyn doonaan.

Related posts

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Aamir Sheekh oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay halka uu banaan baxa ka dhacayay ayaa sheegay in hadalka kasoo baxay duqa magaalada Jahannesburg uu saameyn ku yeeshay dadka ajaanibta ah isla markaana ay la kulmeen weeraro jinsi naceyb ah.

“Dhibkii ka dhacay Rosentavell iyo magaalada Pretoria waxaa uu daba joogay hadalka duqa magaalada saameyn badan ayuuna ku yeeshay dadka qaxootiga ah, jaaliyadaha Africaanka ah hadaan nahay dacwad ayaan ka gudbinay” ayuu yiri Aamir Sheekh

Banaan baxayaasha oo watay boorar waa weyn ayaa waxaa ay socod kusoo mareen waddooyinka magaalada Johannesburg, waxaana  ay dalbayaneen in duqa magaalada Johannesburg uu raali gelin ka bixiyo hadalka uu ku weeraray dadka ajaanibta ah .

Guddoomiyaha gobolka Gauteng ee dalka dowlada Koofur Africa Devid Makura ayaa kasoo qeybgalay banaanbaxa waxaana uu ka gudoomay warqad cabasho ah oo ay u gudbiyeen asaga oo sheegay in uu kala shaqeyn doono cabashadooda.

Banaan baxaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya ayadoo magaaalada Polokwane ee gobolka Limpopo ay ka dhaceen rabshado lagu dhibaateeyay ganacsatada Soomaalida ee ku nool magaaladaasi.

Ilaa labo gaari oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah ayaa dab la qabadsiiyay kuwa kale oo badan qasaare culus ayaa la gaarsiiyay,  waxaa sido kale rabshadaha  lagu boobay ilaa shan dukaan oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah.

Dhibaatadaan ayaa timid kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo ay kala lahaayeen muwaadin Soomaali ah iyo mid South Africaan ah kaa oo ka shaqeynayay Gaadiidka Dadweynaha.

Previous Post

Baarlamaanka oo codka kalsoonida ah siiyay Xukuumadda cusub

Next Post

Maxaabiista Xabsiga Dhexe ku xiran oo loo sameeyey Akoono Mushaarkooda loogu shubo (SAWIRRO)

Next Post
Maxaabiista Xabsiga Dhexe ku xiran oo loo sameeyey Akoono Mushaarkooda loogu shubo (SAWIRRO)

Maxaabiista Xabsiga Dhexe ku xiran oo loo sameeyey Akoono Mushaarkooda loogu shubo (SAWIRRO)

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday xarunta Qaybta 3aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo miino baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey

SNAF Clears IED in Gololey

April 6, 2026
0

The Somali National Armed Forces (SNAF) conducted a mine clearance operation today in the Gololey area, located in Balcad town...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In