Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bandhigga Carwooyinka buugaagta waa awoodsiinta hal abuurka

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Bandhigga Carwooyinka buugaagta waa awoodsiinta hal abuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Taxanaha sooyaalka Soomaaliya waxaa ku xusan in dalkeenna Soomaaliya uu 30kii sano ee ka danbaysay xornimada uu sameeyay horumarro badan oo dhinac kasta ah, waxuuna dalkeenna dunida ku lahaa maqaam aad loo xushmeeyo lana qadariyo, balse waxaa nasiin darro ah in sanadkii 1991dii uu dalka lugaha la galay dagaallo sokeeye oo wajiyo badan lahaa, kuwaasi oo galaaftay , islamarkaana ay ku burbureen haykalkii dowladnimada, Kaabayaashii dhaqaalaha iyo dhamaan hayadhii danta guud ee dalka lahaa.

Muddo toban sano ah kadib, oo ku beegan sanadkii 2000 kun , waxaa dalka ka bilaawday higsi dowladnimo iyo rajo ah in dib loo yagleelo nidaamkii qaranimo  iyo dhismaha dowlad misaysan uu dalku yeesho, mudadaas kadib horumarada dalka ka taabagalay waxaa ka mid ah horumarka dhanka aqoonta oo iftiinkeedu aad usoo muuqanayay.

Aqoonta iyo iftiinka soo kordhayay waxaa ka mid ahaa CARWOOYINKA BUUGGAAGTA oo aad . Badhigga buuggaagta ee Hargeysa oo ugu da’ weyn ayaa 12-sano jirsatay,carwada buugaagta ee Muqdisho oo dhawr  sano jirsatay iyo carwada buuggaagta ee Kismaayo oo ayana 3-sano jirsatay, waana carwada aan faaladaan uga hadli doonno.

7-bisha Luulyo (July) waxaa magaalada Kismaayo si toosa uga furmay carwada Buuggaagta sanadii seddaxaad la qabanayo.

Carwada Kismaayo waxa ay markii ugu horeysay ka dhacday magaalada Kismaayo sanadkii 2017, waxa ayna dhacdaa sanadkasta ilaa laga soo gaaray sanadkaan oo ah 2019 waxaana sanadkaan halku dhig looga dhigay (awoodsiinta hal-abuurka “Empowering Creativity”). Carwadaan buuggaagta waxaa soo abaabulay dhallinyarada aan cidna taakuleyn kuwaasoo sameystay madal loogu wan qalay “ Madasha Maan-kulan” madasha maan-kulan waxa ay ka shaqeysaa horumarinta arrimaha bulshada qaasatan waxbarashada iyo dhaqanka.

Aqoonyahanka, maamulka iyo howl-wadeennada Maan-kulan waxa ay si hagar la’aan ah isugu howleen ka mira-dhallinta carwada sanadkaan iyo inay kusoo dhammaato, jawi aad iyo wanaagsan. Kaasoo faa’iidooyin badan laga dhaxlay, waxa ayna mudan yihiin runtii in lagu abaal-mariyo dadaalkoodi quruxda badanaa ay sameeyeen.

Carwada buuggaagta magaalada Kismaayo, waxa ay sanadkaan ku bilaabatay jawi laga dheehan karay iftiinka horumarka ee guud ahaan wadanka ka socda sanadahaan dambe.

Daah-furka carwada: Waxaa carwada sanadkaan daah-furay Madaxwaynaha dowlad-gobaleedka Jubbaland, mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe). Waxa uuna ku dheeraaday muhiimada ay leedahay madashaan oo kale iyo sida uu ugu niyadsan yahay, dar-dar galinta arrimaha fududeynayo horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Mudane Islaan waxa uu si muuqatay uga hadlay in bulshada hal-abuurkeeda isticmaasho si ay lagama maarmaanka u tahay, waxa uuna xusay inuu jacel-yahay inuu qeyb weyn ku la ahaado arrimahaan.

Carwada buugta Kismaayo sanadkaan waxaa looga hadlayay muhiimada uu leeyahay hal-abuurka ayadoo dhinacya badan laga eegayo, waxaana inta badan seddaxda maalin muuqanayay dood-wadaagyada in diirada lagu saarayay dhinacyada hal-abuurka, bandhiggaan waxaa aad uga wada soo qeyb-galay nuxurka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed qeybaha ugu muhiimsan, waxaana ka xusi karnaa Pro. Afrax oo ah aqoonyahan Afka iyo sheekayahan.

Aqoonyahanka madashaan ku kulmay, waxa ay lahaayeen dood-wadaagyo fara badan, waxaana halkaan isugu yimi Afmaal, Qorayaal, hal-abuur dhankasta leh iyo dad u dhaq-dhaqaaqo arrimaha bulshada.

Doodaha ugu adkaa horaantiiba waxa ay ahaayeen, sara u qaadida hal-abuurka oo si aad u balaaran looga hadlay, dhanka kale waxaa aad loo lafa guray horumarinta bulshada iyo saameynta uu horumarka ku leeyahay iskaa-wax u bashada bulshadu sameyso (Volunteer ship), aqoonyahan wax badan kasoo shaqeeyay arrimahaas ayaa doodaha soo bandhigayay.

Waxaa kale oo isla maalinki hore lasoo bandhigay buug fara badan oo laga qoray arrimaha dalka waliba dhinacyada bulshadda waxaana ku jiray buugtaas:

Maldahaadii maansooniyada, Dhulkii qorfaha, Nolol iyo jaceel, Maree noloshaada iyo kuwa kale oo fara badan. Waxaana si qota dheer uga hadlay dhallinyaradii qortay buugtaas oo u muuqday inay diyaar u yihiin horumarinta dalkooda iyo inay bulshadooda wax macna leh la wadaagaan.

Aqoonyahan iyo dhallinyara ayaguna buugta daabaco iyo kuwa Maktabado hormuud ka ah ayaan ayana ka dooday baahida daabacaada iyo Maktabadaha akhriska ay wadanka ka jiro, waxa ayna isla tilmaameyn in dadaal fara badan loo baahan yahay. Laakiin hadda la heysto bilow fiican, waxaa kale oo ay aad isula lafa gureen muhiimada ay leedahay in buugta luuqadaha kale ku qoran in Afkeenna hooya loosoo turjumo ayna muhiim tahay in la dhiirri-galiyo aqoonyahanka howshaas ku jiro.

Dhinaca kale carwadaan waxaa kale oo xiisa gaara u yeelayay Afmaalka oo aad uga soo qeyb-galay, kaasoo si qiira iyo xamaasad leh suugaanta uga durduuranayay, aadna looga helay suugaantaas quruxda badan.

Gunaanadkii Carwada Buuggaagta

9-Luulyo (July) 2019, waxaa magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyay carwada Buuggaagta Kismaayo, dhacdadeedi seddaxaad. Waxaana qubadii ugu dambeysay jeediyay Guddoomiyaha Madasha Maan-kulan, Mudane Mukhtaar Rayxaani, waxa uuna guddoomiyuhu u mahad-naqa martidi kasoo qeyb-gashay carwada Kismaayo, waxa uu sidoo kale u hambalyeeyay guud ahaan bulshada Kismaayo oo si hagar la’aana uga soo qeyb-gashay carwada.

Ugu dambeyn carwada buuggaagta magaalada Kismaayo,waxaa shahaada sharaf la guddoonsiiyay qaar kamida howl-wadeenadii ka shaqeynayay qabsoomida carwada. waxa ay kusoo dhammaatay horumar iyo aqoon kala faa’iideysi aan marna la qiyaasi Karin. Waxa ayna Kismaayo hormuud u noqotay si ay marki horaba hormuudka ugu ahayd.

 W/D: Daljir C. HalgameEmail:  [email protected]

waxaa dib u habeeyay: Abuukar Gobdoon

SHARE

Facebook
Twitter
Previous Post

Trudeau condemns hotel attack that killed 26 including Somali-Canadian journalist

Next Post

Wasiir Beyle oo ka war bixiyay shirka dib u habaynta dhaqaalaha+Sawirro

Next Post
Wasiir Beyle oo ka war bixiyay shirka dib u habaynta dhaqaalaha+Sawirro

Wasiir Beyle oo ka war bixiyay shirka dib u habaynta dhaqaalaha+Sawirro

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In