Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlaya Xiisadihii Gaalkacyo “Sawirro+Dhageyso”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlaya Xiisadihii Gaalkacyo “Sawirro+Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamijka kulanka todobaadka ee sida tooska ah uga baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta looga hadlay Xiisadihii maalmihii u dambeeyay ka taagnaa magaalada Gaalkacyo iyo sida muhiimka ay u tahay in dagaal ka dhacaa halkaasi laga baaqsado, Xili dadaalo Dowladda Soomaaliya ay waday lagu guuleystay in heshiis la kala dhex dhigo dhinacyada dirirtu ay dhexmartay ee Galmudug lana filayo maanta in la kala qaadaa Ciidamada Dirirtu dhexmartay.

Barnaamijka ayaa waxaa ka qeyb galayay oo marti ku ahaa Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Ibraahim Ibi oo wax badan kala socda arrimaha gaalkacyo ka jira, Gen Xuseen Siyaad Qoorgaab oo ah qoon yahaan Soomaaliyeed, Sheekh Cali Maxamuud Xasan Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed,  waxaana martida barnaamijka ay ku baaqayaan nabad iyo xasilooni, xili baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo dhinacyada shaqaaqooyinka ay ku dhex mareen Gaalkacyo.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Dowlaadda Soomaaliya oo uu horkacayo Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maalmihii u dambeeyay ku howlanaa dhex dhexaadinta iyo isu keenida maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa ku guuleystay in heshiis ay wada gaaraan labada hogaamiye ee kala matala labadaasi maamul, inkastoo maanta Xaalada Ay dagantahay lana filayo in la kala qaado ciidamada is diriray.

DSC07837 DSC07824 DSC07825 DSC07828 DSC07831 DSC07833

Previous Post

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo Oo Saakay Degan

Next Post

Agaasime Nasser:- “Soomaaliya waxaa laga hirgelinayaa nidaamka Digitalka ah.” “Sawirro”

Next Post
Agaasime Nasser:- “Soomaaliya waxaa laga hirgelinayaa nidaamka Digitalka ah.” “Sawirro”

Agaasime Nasser:- “Soomaaliya waxaa laga hirgelinayaa nidaamka Digitalka ah.” "Sawirro"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In