Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baxsadka Horjoogayaasha Al-Shabaab oo isa soo taraya

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Baxsadka Horjoogayaasha Al-Shabaab oo isa soo taraya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeq Cabdi maciin oo magaciisa Af-graashada kooxda Al-Shabaab uu yahay “Shiino” ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku sugnaa aagaga dagaalka koonfurta gobolka Mudug.

Nnkan  ayaa sheegay in maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab uu u qaabilsanaa sameynta aaladaha qarxa sida Miinooyinka.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026

Deeq Cabdi Maciin oo muddo labo ilaa iyo saddex sano ka mid ahaa nabad-diidka Al-Shabaab ayaa tilmaamay inuu qaatay mudadii uu kooxdaas ka tirsanaa tababaro ku saabsan sida miinooyinka dhulka loogu aaso looguna dhagro shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale, wuxuu qiray in muddo kooban uu ka mid ahaa jabhadaha dagaalka ee maleeshiyada.

“ Waxaa igu dhaliyay baahi badan oo aan arkay, adigoo reerkaadii, ubadkaadii iyo dadkaada aadan ka war qabin oo afar iyo labaatan saac duurka ku jira iyo inaadan ku dhiiran Karin oo aadan dhihi Karin aniga waxaa rabaa inaan reerkeyga soo eego oo waqti la soo qaato,” ayuu wareysigiisa ku sheegay Deeq Cabdi Maciin Shiino.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu sheegay in falalka guracan ee kooxda Al-Shabaab aanay diinta islaamka sal iyo raad toona ku lahayn, islamarkaana ay si cad u baneysteen dhiigga Shacabka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

Bilooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa aad isu soo tarayay horjoogayaasha iyo maleeshiyada Al-Shabaab ka soo baxsanaya ee isku soo dhiibaya ciidamada Dowladda.

Ugu dambeyntii, Sarkaalkan isa soo dhiibay oo ku dhashay gobolka Mudug ayaa ugu baaqay maleeshiyada wali baaqiga ku sii ah Al-Shabaab in ay ka soo baxaan.

Previous Post

Dad ku geeriyooday qarax ka dhashay Booyad shidaal oo ka dhacay Sierra Leone

Next Post

Mareykanka oo Baaqii ugu danbeeyay u diray Muwaadiniintiisa ku sugan Itoobiya

Next Post
Mareykanka oo Baaqii ugu danbeeyay u diray Muwaadiniintiisa ku sugan Itoobiya

Mareykanka oo Baaqii ugu danbeeyay u diray Muwaadiniintiisa ku sugan Itoobiya

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

January 12, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In