Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaagalinkii danbe ee Isniintii shalay, sheegay in dalkiisa uusan siin doonin Ukraine Diyaaradaha dagaalka ee “F-16” si ay ugu adeegsadaan dagaalka kala dhaxeeya Ruushka.
Biden, oo ka jawaabayay su’aal ay qaar ka mid ah saxafiyiinta ku weydiyeen Aqalka Cad, taasi oo ku saabsaneed in Diyaarado Dagaal uu u diraya Ukraine, ayuu ku jawaabay, Maya.
Waxaa jiray warar sheegaya in madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu Pentagon-ka ka codsaday in la siiyo Diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaanno F-16, si ay isaga caabiyaan weerarada kaga imanaya Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Gantaallada casriga ah ee ay adeegsadaan Ciidamada Ruushka.
Diidmada Biden, ayaa albaabada u xirtay filashadii Zelensky, ee ku saabsaneed horumar ka gaarista dagaalka kala dhaxeeya Ruushka, kaasi oo qaatay muddo dheer.