Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Carruur Soomaaliyeed oo wacdaro ka dhigay ciyaaraha Golfka ee lagu qabtay Dalka Mareykanka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Carruur Soomaaliyeed oo wacdaro ka dhigay ciyaaraha Golfka ee lagu qabtay Dalka Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamed Cabdirashiid Ibraahim, Salma C/rashiid  iyo Sihaam Cabdirashiid oo Walaalo ah ayaa wacdaro ka dhigay  Ciyaaraha  Golfka ee lagu qabtay Magaalada Portland Gobolka Oregon ee Dalka Maraykanka.

Ciyaartaan oo ay soo qaban-qaabisay Ururka  da’yarta Golfta Qaaradda  America ee  American Junior Golf Association ayaa  waxaa sannadkaan ka soo qayb-gallay 78 ciyaartooy  oo ka kala socday daafaha Adduunka da’adooduna u dhaxaysay 12-15,iyadoo Saddex ka mid ah ay ahaayeen Somali Americaan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sihaam Abdirashid oo ahayd Gabdha ugu da’da yareyd Ciyaartaan,horana guula uga soo hoyeysay Aasiya  iyo Africa, iyadoo xiligaas matalaysay Dalkeena Soomaaliya ayaa  hadda gashay kaalinta 10-aad waxayna keentay 14 dhibcood,salma ayaa iyana gashay kaalinta 29-aad, halka Maxamed uu isna galay kaalinta 46-aad.

Cabdirashiid Ibraahim oo ah Aabbaha Carruurtan ayaa war-baahinta Qaranka Soomaaliyeed u sharraxay taariikhdiisa isboortiga, guulaha ay Carruurtiisu  ka gaareen Ciyaaraha Golfka iyo  wakhtiga ay billaabeen, isagoo u mahad-celiyey cid kasta oo garab istaagtay, gaar’ahaan Wasiir khadiijo Maxamed Diiriye.

Siham, Salma iyo Maxamed ayaa u mahadceliyay dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Maraykanka , Wasiir Khadiijo Diiriye iyo intii kusoo garab istaagtay guushooda.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka faaqidaada wararka ee Radio Muqdisho

Next Post

Wafdi ka socday Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo gaaray Baladweyne+Sawirro

Next Post
Wafdi ka socday Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo gaaray Baladweyne+Sawirro

Wafdi ka socday Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo gaaray Baladweyne+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In