Howlgal ciidan oo dib loogu qabsanaayo magaalada Mosul oo ah halkii ugu dambeysay ee ay awoodda ku lahaayeen kooxda Daacish ayaa la shaaciyay in uu u bilowday si rasmi ah.
Rasaasta xoogan ee laga gano nuucyada hubka waaweyn ayaa saakay laga weeraray magaalada Mosul,oo muddo dheer la sugaayey in ay dagaal ku qaadaan Kurdiyiinta Peshmerga,xukuumadda Ciraaq iyo ciidamada Isbaheysiga
Taangiyada iyo iyo nuucyada kale ee hubka ayaa u dhaqaaqay magaaladaasi oo la tilmaamay in kooxda Islaamaiga ah ee Isis ay heysteen ilaa 2014-kii
Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujisay badqabka in kabadan hal milyan iyo Shan boqol oo ruux oo xilligaan ku nool magaaladaasi iyo hareereheeda.
Wariyaha BBC’s Orla Guerin, oo la socota ciidamada Kurdish-ka ee barigat Mosul, ayaa sheegtay in taangiyada ay horay ugu durkeen ama horay ugu socdeen magaaladaasi