Mareykanka ayaa maanta oo Sabti ah, bilaabay inuu ciidamadiisa kala baxo Afghanistan, kadib markii uu horay ugu dhawaaqay arrinka ka bixitaanka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, taasi oo qeyb ka ah dib u dejinta mudnaanta Wasaaradda Difaaca Mareykanka.
Warbaahinta Afghanistan oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaaca Afgaanistaan, ayaa sheegay inay socoto howsha ku wareejinta Ciidamada Dowladda, saldhigyadii Mareykanka ay ku lahayeen Afghanistan.
14-kii Bishii Abriil, ayay aheed markii madaxweyne Joe Biden uu ku dhawaaqay in gebi ahaanba ciidammada dalkiisa uu kala baxayo Afghanistan, si loo soo afjaro dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka uu galo, balse waa haddii ka bixitaanka Ciidamada la dhammaystiro sannad-guurada 20aad ee weerarkii 11-kii Sebtember.
Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in go’aanka ka bixitaanka Afghanistan ee Ciidamada Mareykanka, la qaatay iyadoo lala kaashanayo dhamaan xulafada Washington.