Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Puntland oo diyaargarow ugu jira sidii ay Daacish uga xoreyn lahaayeen Qandala

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Puntland oo diyaargarow ugu jira sidii ay Daacish uga xoreyn lahaayeen Qandala
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada la dagaalanka argagixisada iyo difaaca Puntland ayaa heegan la geliyay kaddib markii koox sheegatay iney ka tirsantahay malayshiyadka Daacish ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya ay la wareegeen degmada Qandala ee gobolka Bari.

Ciidamadan oo ku jira u diyaar garowgii ugu dambeeyay ee bilow u noqonaya weeraro toosa oo lagu qaado malayshiyadka Daacish ee ku sugan Qandala ayaa doonaya inay gacanta Puntland ku soo celiyaan magaalada Qanda.

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Hawlagalladan lagu qaadayo argagixisada Daacish ayaa ah kuwii ugu balaarnaa oo Puntland ay ku qaadayso maleeshiyadka Daacish ee ku sugan deegaanno ka tirsan bariga Puntland .

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali gaas oo shalay soo gaaray Boosaaso ayaa wariyayaasha u sheegay in Puntland ay weerari doonto maleeshiyada Daacish ee Qandala ku sugan.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay inaan Daacish haysan karin magaalada Qandala haysana doonin isagoo xusay in ciidamada puntland ay muddo kooban ku qaadanayso ka sifaynta Qandala malayshiyada Daacish.

Malayshida Dacish ayaa  duqaymo  ka yimid dhanka badda loogu geystay goobaha ay uga sugan yihiin Qandal kuwas oo aan weli la ogayn khasaaraha ka dhashay, Deegaannada ka agdhow magaalada Qandala ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada la dagaalanka argagixisada dowlad goboleedka Puntland.

Dadkii Qandala ka soo barakacay oo qaarkood soo gaareen magaalada Boosaaso ayaa dib u dejin loo sameeyey halka kuwii kalena ay gaareen deegaano ay ka midyihiin beexaani iyo buruc,  kuwaas oo dhowaan dowlad goboleedka Puntland ay gaarsiiyeen deeq ka kooban baahiyaha asaasiga ah ee aadanaha maamulka degmada Qandala ayaa sheegay in xaalad degenaansho ay ka jirto magaalada Qandal iyadoo ay aad u wanaagsan xaaladda Qoysaskii ka soo barkacayna magaaladaasi.

Ciidamada Difaaca dowlada goboleedka puntland ayaa diyaargarow ugu jira sidii ay uqaadi lahaayeen weeraro ka dhana maleeshidayadka Daacish ee dhowaan la wareegtay gacan ku haynta degmada Qandala ee gobolka Bari.

Previous Post

Soomaaliya oo Ka qeybgashay shirka horumarinta ganacsiga Afrika iyo Malesiya+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha oo soo dhaweeyay heshiiskii ay gaareen Puntland iyo Galmudug

Next Post
Madaxweynaha oo taliyeyaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska kula dardaarmey dardargelinta hawlaha amniga “SAWIRRO”

Madaxweynaha oo soo dhaweeyay heshiiskii ay gaareen Puntland iyo Galmudug

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In