Monday, December 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada qaranka oo ka hortagay weerar Khawaarijtu ay ku qaadeen degmada Afmadow, Sabiib iyo Caanoole

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Ciidamada qaranka oo ka hortagay weerar Khawaarijtu ay ku qaadeen degmada Afmadow, Sabiib iyo Caanoole
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ee ku sugan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa saakay fashiliyey weerar ay ku soo qaaday Khawaarijta Al-Shabaab.

Khawaarijta ayaa weerarkaas u adeegsaday labo gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo dagaal toos ah oo xigay, waxaana halkaas Khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii ku soo duulay degmadaas.

Related posts

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

December 29, 2025
Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

December 29, 2025

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa warbaahinta qaranka u sheegay inay ka hortageen laba gaari oo qaraxyo ay ku soo rareen, isla markaana uu meydkoodu daadsan yahay banaanka xeradii ay isku dayeen in ay soo weeraraan.

” Ujeedadoodu waxay ahayd, ciidamadaanu diyaarineyno in ay khal khal geliyaan, Khasaaro ma jiro,iyagana meydadkooda banaanka ayuu daadsan yahay,” ayuu yiri Generaal Bogmadow.

Dhanka kale, ciidamada Xoogga Dalka ayaa fashiliyay weerar saaka aroortii khawaarijtu ku qaadeen deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay dhagar qabayaashe kula jarmaadeen labo gaari oo ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa, balse ciidamada qaranka oo ka feejignaa ay ka hortageen.

Previous Post

Taliye Biixi” Waxaan dagaal ku dilnay 117 khawaarij ah”.

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheikh ”Waa in loo Midoobo Ciribtirka Argagixisada si loo xaqiijiyo Duni Nabdoon.”

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheikh ”Waa in loo Midoobo Ciribtirka Argagixisada si loo xaqiijiyo Duni Nabdoon.”

Madaxweyne Xasan Sheikh ”Waa in loo Midoobo Ciribtirka Argagixisada si loo xaqiijiyo Duni Nabdoon.”

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

December 29, 2025
0

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay dalal iyo hay’ado caalami ah oo si cad uga soo horjeestay...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

December 29, 2025
0

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay qaranimada Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi la yeeshay Madaxda dowlad Gobolleedyada iyo Gobalka Benaadir

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi la yeeshay Madaxda dowlad Gobolleedyada iyo Gobalka Benaadir

December 28, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir looga hadlay ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka la qaatay, qaar...

Madaxweynaha JFS oo shir looga hadlayay ilaalinta midnimada la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha dowladda ku matala Gobolada Waqooyi

Madaxweynaha JFS oo shir looga hadlayay ilaalinta midnimada la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha dowladda ku matala Gobolada Waqooyi

December 28, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo Qaran oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In