Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo si buuxda ula wareegay deegaanka Biya Cadde ee G/Sh/Dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo si buuxda ula wareegay deegaanka Biya Cadde ee G/Sh/Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa saaka si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Biya Cadde oo ka tirsan degmada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe.

Malleeshiyaadki Shabaab ee halkaasi ku sugnaa ayaa isaga cararay deegaankaasi kaddib markii ay ciidamadu halkaasi u ruuqaansadeen, iyadoo ciidamadu ay si nabadgelyo ah ula wareegeen deegaanka Biyo Cadde oo 45 kilo mitir dhanka waqooyi bari uga beegan degmada Jowhar,  halka degmada Mahadaayna ay 28 kilo mitir uga toosantahay jihada bari.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

September 5, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026

Ciidamada ayaa halkaasi ka wada baaritaanno ay ku xaqiijiyaan ammaanka deegaankaasi, iyagoo bariisimo ka sameystay duleeddada tuuladaasi.

Dadweyne farabadan oo ku dhaqan deegaankaasi ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaaladaasi, iyagoo muujinayay faraxad, islamarkaana ciidamada ugu hambalyeeynayay cadowga ay ka dulqaadeen kaasoo ay sheegeen in uu dhibaatooyin ba’an ku hayay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolkaShabeelaha Dhexe  ayaa ku sii wajahan halkaasi si ay u kormeeraan xaaladda deegaanka iyo baahiyaha ay qabaan  bulshada ku nool halkaasi.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah howlgallada ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ay dalka kaga xoreeynayaan haraadiga maleeshiyaadka Shabaab oo weli ku dhuumaaleysanaya deegaanno kooban oo ka tirsan dalka.

Previous Post

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka South Africa

Next Post

Duqa Magaalada Muqdisho Oo Kafaala Qaaday Baxnaano Caafimaad Oo Loo Sameynayo Hooyo Soomaaliyeed

Next Post
Duqa Magaalada Muqdisho Oo Kafaala Qaaday Baxnaano Caafimaad Oo Loo Sameynayo Hooyo Soomaaliyeed

Duqa Magaalada Muqdisho Oo Kafaala Qaaday Baxnaano Caafimaad Oo Loo Sameynayo Hooyo Soomaaliyeed

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa hoygiisa qado sharaf iyo soo...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In