Wasiirka Wasaaradda Amiga maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koofur galbeed ay dileen horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta iyo malleeshiyo uu watay.
Wasiirka oo u waramayay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay dilka horjoogahaasi iyo maleeshiyaadkiisa ayaa intaa ku daray in howlgal qorsheysan oo ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ay ka fuliyeen degmada Ufurow ee gobolka Bay lagu dilay horjeegaha iyo malleeshiyaad uu watay oo gaaraya 5 xubnood.
Ciidanka oo haystay xogta khawaarijta ayaa ka soo baxay degmada Qansax dheere ee gobolka Bay, halkaasi oo saldhiyo ay ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed.
โHowlagalkaasi Ciidanka ayaa fuliyay howlgal qorshaysan ayuu ahaa degmada Qansax dheere ayayna kasoo bexeen waxayna degmada Ufurow ku dileen horjooge iyo malleeshiyaadkiisa, ayuu yiri wasiirka amniga KGโ.