Ciidanka xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Ceel-Bacad ee gobolka Shabeellada dhexe ku dilay 67 ka mid ah Khawaarijta Al-shabaab.
Taliyaha ciidanka Lugta General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay dagaalkaasi ka dhacay Ceel-Bacad,wuxuuna intaa ku daray in ay tiro intaa ka badan lagu dhaawacay dagaalkaasi.
Taliyaha ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo isdaba joog ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta arxanka daran isagoo ku taliyay in kooxahaasi ay isa soo dhiibaan inta goori goor tahay, si ayuu yiri loo bad-badiyo dhallinyarada la marin habaabiyay.