Friday, February 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Daawo Damaashaadka xeebta liido iyo bulshada Xamar maalmaha Jimcaha iyo Khamiista.

caqiil by caqiil
8 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Daawo Damaashaadka xeebta liido iyo bulshada Xamar maalmaha Jimcaha iyo Khamiista.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maalmaha Jimcaha iyo Khamiista Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ahna  Caasimadda Dalka waxaa u damaashaad taga kumanaan ka mid ah dadka ku nool Caasimadda  kuwaa oo iskaga yimaada 17 ka Degmo ee Gobalka Banaadir.

Dadka u soo damaashaad taga Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho ayaa u badan dhalinyaro kuwaas oo inta badan fasax ka ah xaruumaha waxbarasho ee ku yaal Caasimadda Dalka ee Muqdisho sida Jaamacadaha iyo Dugsiyada kuwaa soo ku faraxsan in ay waqtigooda inta badan ku bixiyaan Dalxiiska iyo Damaashaadka xeebta Liido.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026

Marka laga yimaado dhalinyarada waxaa qeyb ka ah dadka usoo Dalxiis taga Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho qeybaha bulshada waxaana sidoo kale qeyb ka ah Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda kuwaas oo waqti farxadeed iyo Damaashaad la qaata dhalinyarada ah bilicda Dalka.

Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah xeebaha ay ku yaala Dalka ayna u damaashaad tagaan muwaadiniinta Soomaaliyeed maalmaha Jimcaha iyo Khamiista hasa-yeeshee Liido marka laga yimaado maalmaha nasiinada maba jiro xili ay firaaqo tahay maadaama ay ku taalo Caasimadda Dalka ee Muqdisho oo ay ku bulsho badan ku nool yihiin.

Xeebta Liido waxaa ku yaala Hoteelo Ganacsi oo ay maalgashadeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo u badan qurba joog kuwaas oo door weyn ka qaatay dib u dhiska iyo  soo celinta bilicda Caasimadda Dalka iyo Dalxiiska xeebta Liido halka Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay u diyaarisay Ciidamo gaar ah oo ilaaliya muwaadiniinta ee usoo damaashaad taga Xeebta Liido si aysan maleeshiyaadka Al-shababa u dhibaatayn iyo in badu qaadin dadka u Dalxiis yimaada Xeebta.

Shalay oo Khamiis ahad ayaan Howlo shaqo ku tagay Xeebta Liido waxaana indhahayga soo jiitay quruxda iyo bilicda Xeebta Liido maadaama ay ku damaashaadayeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ah ubaxii Dalku lahaa  waxayna kuu sheegayaan in ay ku faraxsan yihiin Dalxiiska iyo damaashaadka  Xeebta Liido.

Wixii ka dambeeyay Sanadihii  2011 ilaa 2012  oo Caasimadda Dalka ee Muqdisho laga saaray maleeshiyaadka nabad iyo nolal ah ee Al-shabaab ayaa waxaa dib usoo hagaagayay bilicdii iyo haybadii lagu aqoon jiray magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho inkastoo Argagaxisada nabad diidka ah ee Al-shabaab kasoo hor jeedaan muuqaalka wanaagsan ee Muqdisho oo ay ku howlan yihiin bur burinta dhismayaasha qurxoon sida Hotelada waxaase xusid mudan in muwaadiniinta Soomaaliyeed aysan qalbi jabinayn dhagarta Argagaxisada Al-shabaab.

Badda ku xeeran dhulka Qaranka Soomaaliyeed  oo dhererkeeda lagu qiyaaso 3333km  bilicda iyo quruxda ka sokow- waxay ka mid tahay badaha ay ku jiraan khayraadka ugu badan adduunka ee aan weli la daah-furin ama laga faa’iidaysan.

 

 By Wariye Baashi Cali Xaashi

Previous Post

Roob ay Dad ku dhinteen oo ka da’ay Kenya

Next Post

R/wasaare Khayre iyo Guddoomiye Yariisow oo kormeerey Degmada Hilwaa(Sawirro)

Next Post
R/wasaare Khayre iyo Guddoomiye Yariisow oo kormeerey Degmada Hilwaa(Sawirro)

R/wasaare Khayre iyo Guddoomiye Yariisow oo kormeerey Degmada Hilwaa(Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
0

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maalinimadii shalay cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In