Taliyaha Ciidanka Xoogaa Dalka Soomaaliya Gen. Maxamed Adam Axmed oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa kulmay Magaalada Abu Dhabi Saraakiil sare oo Ka tirsan dalkaasi, waxana ay Ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal, gar ahaan taageeradooda ku aadan dhismaha Ciidamadda Soomaaliya.