Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay Deegaanada Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka socda Maamulka Galmudug,Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug,kan degmada Sadex Higlo iyo qeybaha bulshada ayaa Maanta ka qeyb galay Munaasabad lagu daah furaayay Isbitaalka Degmada Sadex Higlo ee Gobalka Mudug.
Munaasabad oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa dhamaan Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay waxay ku amaaneen Maamulka Degmada oo kaa shanaaya bulshada sida ay ugu istaageen Hirgalinta Isbitaalkaan loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed ee ku nool degmasda iyo Deegaanada kale ee hoos yimaada.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Maamulka Galmudug Marwo Naciimo Maxamed Maxamuud oo munaasabadda goobjoog ka ahayd ayaa sheegtay inay ku dayasho mudan yihiin Maamulka iyo Shacabka Degmada Sadex Higlo Maadaamada ay Isku tashadeen.
Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Galmudug Soomaaliya ayaa waayahaanba waday dadaalo ku aadan hirgalinta Xaruumo Caafimaad ee lagu tacaalo bukaanada waxaana jira kaalin ay Jaaliyadaha kasoo jeeda deegaanada qaar ay ku garab taagnaayeen Qorshayaasha Wasaaradda Caafimaadka ay wado.
Maalmihii lasoo dhaafay Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu ahayd deegaanada Galmudug iyo Wasiirka Caafimaadka Galmudug ayaa socdaal waxay ku marayeen deegaano dhaca Koonfurta Gobalka Mudug kaasoo ay ugu kuurgalaayeen Xaaladaha Bini aadanimo ee ka jira deegaaanadaasi.