Dalalka Turkiga iyo Kuwet ayaa kala saxiixday heshiisyo la xiriira iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta kaabaysha dhaqaalaha, ka gadaal markii uu booqasho martiqaad ah uu dalka Turkiga ku tagay Amiirka dalka Kuweyt Shekh Jabir Al-mubaarak Al-sabaax
Dhinaca Dowladda Tirkiga waxaa heshiiskaasi u saxiixay Madaxweynaha dalkaasi Rajab dhayib Ordagan, halka Dowladda Kuweytna uu u saxiixay Amiirka dalkaasi Shekh Jabir Almubaarak Alsabaax, iyadoo qodobada heshiisyadaasi ay laba hogaamiye qalinka ku duugeen ay ka mid yihiin wax wada qabsiga dhinacyada dulimaadka diyaaradaha Rayidka ah, Canshuuraha, Isgaarsiinta iyo waliba dhinaca kala faa’ideysiga aqoonta iyo waaya aragnimada Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada labadaasi dal.
Booqashada uu Amirka dalka Kuweyt ku tagay dalka Turkiga ayaa imanaysa xiili Dawladda Kuweyt ay waddo dadallo lagu qaboojinayo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda Qadar iyo Kuwa Khaliijka.
Dowladda Turkiga ayaa doonaysaa in xiisada ka aloosan wadamada Khaliijka qaarkood iyo Dowladda Qadar loo maro hab dibolomaasi ah oo wada hadal iyo isfaham ah lagana fogaado inay ku lug yeesheen arrintaasi faragelin kale ee quwado shesheeye.
Sida laga warqabo Dowlada Turkiga iyo Kuweyt ayaa leh xiriir aad u wanagsan oo ku dhisan istaraatiijiyada iskaashiga laba dhinac iyo waliba tan wadamada Islaamka.