Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DFS oo heshiis Ganacsi lagashay Dalka Itoobiya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
DFS oo heshiis Ganacsi lagashay Dalka Itoobiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-murtiyeed wadajir ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan Bilowga Wada-xaajoodyada Horumarinta Ganacsiga Maarso 2022.

Wasiiru dowlaha ganacsiga iyo isdhexgalka Bariga Afrika ee Itoobiya Mudane Denge Boru iyo Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa maanta si rasmi ah u daah furay wada-xaajoodyo ganacsi oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026

1. Wasiirradu waxa ay isla garteen muhiimadda ay wada-hadalladan u leeyihiin shaqo abuurka iyo maalgashiga dhinacyada ganacsiga iyo warshadaha labada dal, waxayna go’aansadeen in la bilaabo wadatashiyo ku aaddan xoojinta xiriirka Ganacsi.

2. Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bilaabayaan wada-xaajood ku saabsan yagleelidda heshiis ka ganacsiyada isaga kala goosha xuduudaha iyada oo ujeedadu tahay in la fududeeyo badeecooyinka muwaadiniin ta labada dal iyo in la yareeyo ganacsiga aan rasmiga ahayn ee xuduudaha.

3.Labada wasaaradood waxa kale oo ay ka wada hadleen oo ay heshiis ku ku gaareen in ay wadahadlaan kadibna ay kala saxeexdaan heshiis ganacsi oo laba geesood ah kaas oo kaabaya dadaallada isdhexgalka gobolka iyo Afrika oo ay ka mid yihiin Suuqa Iskaashiga Ganacsiga ee Bariga & Koofurta Afrika ee COMESA iyo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA).

4.Labada Wasiir waxa ay kaloo ku heshiiyeen in la dhiso guddi ganacsi oo isku dhaf ah oo fududeeya shuruudo lagu sii xoojinayo xiriirka ganacsi ee labada dal iyo kordhinta mugga ganacsiga.

5. Wasiirradu waxa ay isla asteeyeen hawlaha mudnaanta leh ee kor u qaadaya isku xirka ganacsiga & dhiirrigelinta isdhaafsiga ganacsi ee labada dal. Sidaa awgeed, wasiirradu waxay isku raaceen in la fududeeyo abaabulka golayaasha ganacsiga, is- dhaafsiga khubarada iyo barnaamijyada khibrad-wadaagga.

6. Laba dhinac waxa ka go’an natiijo guulaysata oo ka dhigaysa shaqaalaha, beeralayda, iyo ganacsatada labada wadanba kuwo barwaaqooba.

Ugu danbeyn, Mudane Khaliif Cabdi ayaa ku casuumay dhiggiisa Itoobiya Mudane Denge Boru iyo Wafdigiisa in ay booqasho ku yimaadaan magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Previous Post

XFS oo Dhuusamareeb ka daah furtay warshad Oxygen

Next Post

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo wada kullamo lagu xoojinayo xiriirka wasaaraddaha

Next Post
Wasaaradda Qorsheynta XFS oo wada kullamo lagu xoojinayo xiriirka wasaaraddaha

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo wada kullamo lagu xoojinayo xiriirka wasaaraddaha

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In