Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhalinyaro Gurmad Caafimaad u fidinaysa dadka soo Barakacay “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Dhalinyaro Gurmad Caafimaad u fidinaysa dadka soo Barakacay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Midowga Dhallinyarada Mutadawaciinta Horuumarinta Soomaaliyeed (Somali Youth Volunteers for Development Association) ayaa billaabay barnaamij caafimaad oo loogu magac daray Baxnaani. Barnaamijkaan ayaa si rasmi ah uga hirgalay deegaannada barakacayaasha ee ku yaalla daafaha magaalada Muqdisho. Baxnaani wuxuu ka kooban yahay qeybo kala duwan sida wacyi galin caafimaad iyo daaweynta bukaannada qaba xanuunnada fudud.

“Ujeedda guud ee barnaamijka Baxnaani waa in aan yareynaa khatarta caafimaad ee soo foodsaari karto barakacayaasha kuwaasoo u badan hooyooyin iyo carruur. Wacyi galin caafimaad oo loo sameeyo hooyada waxey hoos u dhigi kartaa khatarta caafimaad ee ku imaan karta hooyada iyo dhallaanka” sidaana waxaa yiri Cabbaas Ciise Faracadde oo ah guddoomiye ku xigeenka midowga SOYVDA.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Deegaanada ku xeeran magaaladasha Muqdisho waxaa ku nool tirada ugu badan ee barakacayaasha gudaha dalka iyadoo deegannadaas aysan ka jirin daryeel caafimaad oo ku filan tirada barakacayaasha ku soo barakacay Muqdisho.

Cabbaas ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Markaan aragnay baahida caafimaad oo ay qabaan barakacayaasha, waxaan garwaaqsannay in ay lagama maarmaan tahay in aan billowno branmaaij caafimaad kaasoo ay maalin kasta kaa faa’iideysan karaan 100 ruux oo isugu jira qeybaha kala duwan ee barakacayaasha”.

Dhallinyarada midowga SOYVDA ayaa sannadihii ugu dambeeyey waxay ka shaqeynayeen horumarinta iyo gargaarka dadka barakacayaasha ah ee ku dandarreysan gobollada dalka iyo magaalada Muqdisho; ayagoo fuliyey mashaariic dhowr ah oo ay ka mid yihiin Afuri, Ciidsii, Bar iyo Baxnaani; mashaariicdaas oo ay ka faa’iideysteen danyar fara badan oo u badan carruur, haween iyo waayeel.

Previous Post

Dab ka kacay Xaafadda Toowfiiq ee Degmada Yaaqshiid

Next Post

Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka oo wadatashi la yeeshay bulshada Jowhar “SAWIRRO”

Next Post
Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka oo wadatashi la yeeshay bulshada Jowhar “SAWIRRO”

Hay'adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka oo wadatashi la yeeshay bulshada Jowhar "SAWIRRO"

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In