Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Macalin Cabdirahman Cali Maxamed “Geedaqorow”oo ay wehliyaan Wasiiro iyo qaybaha bulshada Dhuusamareeb sida hoggaanka ururada haweenka, ganacsatada, dhallinyarada iyo culimada ayaa ciidanka qalabka sida ee Galmudug iyo kuwa xoogga ee dagaalka kula jiraa kooxda khawaarijta Al-Shabaab ku wareejiyay deeq iskugu jirta xoolo iyo raashin kala duwan oo dhiiri-galin u ah ciidanka.
Guddoomiye Geedaqorow iyo madaxda kale ee la socotay ayaana deeqdaan ku wareejiyay hoggaanka ciidamada qalabka sida ee xoogga, iyadoo uu deeqdaa u Guddoomay dhanka ciidamada Taliyaha ururka 6-aad ee GorGor.
Gudoomiye Cabdirahman oo munaasabadda wareejinta deeqda ay ugu talo galeen ciidanka ka hadlay ayaa ugu baaqay bulshada Galmudug iyo mida Dhuusamareeb in si wadajir ah looga hortago kooxda khawaarijta Al-Shabaab lana garab istaago ciidanka, si looga adkaado kooxdan caadaystay daadinta dhiiga dadka Muslimiinta ah.