Magaalada Baraawe ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta lagu qabtay doorashada Todoba kamid ah Kuraasta ugu dambeeysa ee degaan doorashadoodu tahay Magaaladaasi Baraawe.
Hop-045 ayaa waxaa ku guleeystay Maxamuud Axmed Maxamed, isagoo helay codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey ee Yuusuf Maxamed Cabdulaahi uu heley 8-cod, waxaana halaabay Saddex cod.
Sidokale kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-145, ayaa waxaa ku guleeystay Maxamed Cabdalla Axmed, isagoo helay codad gaaraya 76-cod, halka Cabdulaahi Ahmed Cabdi oo la tartamayay uu helay 12-cod, laba codna way halaabeen.
Maxamed Cusmaan Cumar ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-162, wuxuuna helay codad gaaraya 74-cod halka musharaxii la tartamayey ee Maxamed Daliib Xasan uu heley 17-cod, Afar Cod ayaana halaabay.
Tartanka kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-148 ayaa waxaa ku guleeysatay Calwiya Siid Cabdullaahi, iyada oo heshay 88-cod halka Sacdiyo Maxamed Cabduqaadir oo la tartameeysay ay heshay 10-cod laba Cod ayaana halaabay.
Suhuur Xaaji Culusow ayaa ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-256, waxayna heshay 87-cod halka musharaxii la tartamaysay ee Jiijo Axmed Iikow ay heshay 12-cod, waxaana kursiga.
Cali Sheekh Maxamed Nuur ayaa markale ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-143 ee xubinnimada Golaha Shacabka, isaga oo heley 90-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabduqaadir Maxamed Cabdullaahi uu heley 11-cod.
Sidokale Isaaq Maxamed Maxamuud ayaa markale ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-163, isaga oo heley codad gaaraya 86-cod halka Cabdullaahi Cismaan Ibraahim, oo la tartamay uu heley 10-cod, waxaana halaabay Afar Cod.
Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in la soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta taalla Magaalada Baraawe, waxaana la dooran doonaa Lix kursi oo ka harsan doorashada 13-ka Kursi ee degaan doorashadooda loo asteeyay magaalada Baraawe.