Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Uganda oo la bilaabatay doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamaanka

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Uganda oo la bilaabatay doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalka Uganda maanta waxaa la bilaabatay doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamaanka, goobaha codbixinta ayaa furmay saaka todobadii subaxnimo.

Ciidamo badan oo ka tirsan booliiska ayaa lagu daadiyay guud ahaan caasimadda Kampala, iyadoo waddooyinka waa weyn lagu arkayo gaadiidka gaashaaman.

Related posts

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026

11 oo uu ku jiro madaxweynaha talada haya ayaa u taagan xilka madaxweynaha, sidoo kale waxaa ku jira qof dumar ah.

Labada murashax oo tartanka adag dhex mari doono waa madaxweyne Yoweri Museveni oo 76 sano jir ah dalkana xukumayay muddo 35 sano ah, iyo fanaanka da’da yare e Bobi Wine oo 38 sano jir ah.

Robbert Kyagulanyi oo loo yaqaano Bobi Wine ayaa sheegay in uu matalayo da’yarta reer Uganda iyadoo Museveni oo sheegay in uu u taagan yahay xasiloonida dalka.

Xukuumadda ayaa amartay in la xiro baraha bulshada inta doorashada socoto, madaxweynaha waxaa uu sheegay in dhowr bog oo ay leeyihiin taageeriyaasha xisbigiisa sidoo kale hawada laga saaray.

18.1 milyan ayaa loo diiwaan geliyay ka qeybgalka doorashada, madaxweynaha markii shanaad ayuu tartamayaa xilligan, sidoo kale shacabka Uganda waxay dooran doonaan xubnaha baarlamaanka oo ka kooban 529 mudane. Guuleystaha doorashada ayaa laga rabaa in uu helo 51% si looga fogaado wareeg kale oo tartan ah.

Arbacadii Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu la baxay korjoogtada doorashada ka dib markii inta badan kormeeriyaashaas loo diiday rukhsadaha.

Danjiraha Mareykanka ee Uganda Natalie Brown ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in korjoogto la’aanta doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamaanka ka dhigayso in aysan jirin isla xisaabtan, daahfurnaan iyo kalsooni.

Afhayeenka madaxweyne Moseveni oo hadalkaas ka jawaabay ayaa qoraal soo dhigay Twitter wuxuu sheegay in doorashada korjoogto ka yihiin kormeeriyaal ka socda midowga Afrika iyo bulshada bariga Afrika.

“Ma xasuusto mar ay Uganda u dirtay korjoogto doorashada Mareykanka,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Uganda.

Murashaxa mucaaradka ah Bobi Wine ayaa codbixiyeyaasha ugu baaqay in ay ku sugnaadaan goobaha codbixinta khamiistan maanta ah isla markaana telefoonada gacanta ku duubaan sida tirinta codadka u socoto si looga hor tago ku shubasho.

Previous Post

Madaxweyne Trump oo mar kale maamus ka xayuubin lagu sameeyay

Next Post

Wakiilka QM ee Soomaaliya oo maanta gaaray Baydhabo

Next Post
Wakiilka QM ee Soomaaliya oo maanta gaaray Baydhabo

Wakiilka QM ee Soomaaliya oo maanta gaaray Baydhabo

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay afur wadareed loo sameeyay carruurta agoonta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay afur wadareed loo sameeyay carruurta agoonta Qaranka

March 4, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay kulan affur wadareed loo sameeyay carruurta...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚  𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo  𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo 𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, kuna guda jira maalintii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In