Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowlada oo shaacisay 4 qodob oo looga hadlayo shirka berri ka furmaya Muqdisho

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Senior Al-Shabab commander and three militants surrender to Somali Government Forces
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdishu ku marti-gelinaysa Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore (Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) oo soconaya inta u dhaxeysa 31-ka Janaayo iyo 1-da Febraayo.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galaya Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ugu danbaysay in ay marti-geliso shirar-Madaxeedka heer Gobol sannadkii 2016-kii oo Muqdisho ay isugu yimaadeen Madaxweyneyaasha dalalka IGAD.

Ujeedooyinka Shirka Soomaaliya iyo Dowladaha Safka hore:

1-Taageerada gulufka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixisadu muddo ay gacanta ku haysay.

2-In la sameeyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Dalalka Safka hore.

3-Baaq mideysan oo ku wajahan Caalamka, kaas oo lagu dalbanayo in la xoojiyo taageerada iyo qalabeynta Ciidamada Soomaaliyeed, si ay degdeg ugu soo afjaraan dagaalka argagixisada.

4-Muujinta khatarta argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida gobolka iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka shucuubta qaaradda.

Previous Post

Wasiirka warfaafinta oo faahfaahin ka bixiyay shirka taliyeyaasha iyo wasiirrada waddamada safka hore ee lagu qabtay Muqdisho.

Next Post

Golaha wasiirrada XFS oo shir aan caadi aheyn ku ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis

Next Post
Golaha wasiirrada XFS oo shir aan caadi aheyn ku ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis

Golaha wasiirrada XFS oo shir aan caadi aheyn ku ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Raji dayib Erdoğan, oo hore loogu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In