Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha wasiirrada XFS oo shir aan caadi aheyn ku ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiirrada XFS oo shir aan caadi aheyn ku ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa caawa isugu yimid shir aan caadi aheyn, kaas oo lagu ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis oo kala quseeya dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Jimcaale ayaa ka warbixiyey kulankii ay caawa yeesheen Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay Sharciga La Dagaallanka Argagixisada, Sharciga Socdaalka iyo Heshiis Iskaashi Ganacsi oo Soomaaliya ay la galayso Uganda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Shirka waxaa lagu ansixiyey laba hindise sharciyeed oo muhiim u ah dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo socdaalka, sidoo kale waxay wasiirradu ansixiyeen heshiis is afgarad ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay wadanka Uganda,” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Sharciga koowaad ee caawa ay ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya wuxuu ahaa ‘Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, maadaama lagu jiro dagaal lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale hindise sharciyeed kale oo dhinaca socdaalka quseeya ayaa lagu ansixiyey shirkii caawa, waxaana labadaas hindise sharciyeed soo diyaarisay wasaaradda amniga Soomaaliya.

“Golaha ayaa caawa si aqlabiyad ah u ansixiyey heshiis is afgarad ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay dowladda Uganda, heshiiskaan ayaa ku saabsan iskaashiga dhinaca ganacsiga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Farxaan Jimcaale oo warbaahinta u faahfaahiyey shirka golaha wasiirrada.

Previous Post

Dowlada oo shaacisay 4 qodob oo looga hadlayo shirka berri ka furmaya Muqdisho

Next Post

Shirka madaxda dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo goordhaw ka furmaya Muqdisho

Next Post
Shirka madaxda dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo goordhaw ka furmaya Muqdisho

Shirka madaxda dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo goordhaw ka furmaya Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In