Saturday, June 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo lagu amaanay meel marinta qorshe howleedka Qaran ee la dagaallanka xadgudubka “War-saxaafadeed”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

13 December 2014. Khabiirka Madaxabanaan ee xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya, Mudane Bahame Nyanduga, ayaa maanta soo gebogabeeyay safarkiisi shaqo ee ugu horreeyay oo uu ku tegay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mr Nyanduga, oo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Mudoobay uu magacaabay, ayaa loo xilsaaray inuu ku taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) horumarinta tayada iyo kaalmo farsamo oo ah dhinaca xuquuqda aadanaha.

Related posts

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026

Intii uu booqashada ku guda jiray, Khabiirka Madaxabanaan wuxuu Dowladda Federaalka ku amaanay meelmarinta Qorshe Howleedka Qaran ee la-dagaallanka xadgudubka dumarka. Wuxuu sidoo kale ku bogaadiyay Dowladda horumarka tartiib-tartiibka ah ee xaaladda siyaasadda iyo amniga, hanaanka socda ee lagu dhisayo maamul-goboleedyada federalka iyo tallaabooyinka nabadaynta iyo xasilinta goobaha dhowaan  la xoreeyay, kuwaas oo dhamaantood ah tallaabooyin muhiim u ah gaarista hiigsiga 2016.

Mr Nyanduga wuxuu walaac ka muujiyay caqabadaha xagga tayada iyo dhaqaalaha ee hakinaya horumarka xoojinta hay’adaha garsoorka, caqabadahaas oo kaalin ka qaatay inay ballaarato kaalinta maxkamadaha milatariga oo maxkamadeeynaya dad rayid ah. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Dowladda inay ka soo baxdo ballanqaadki ay gashay oo ahaa inay hakiso adeegsiga ciqaabta dilka ah, kana mid ah hanaanka Dib-u-eegista Xilliyeysan ee Caalamiga ah. Iyadoo taa la eegayo, ayuu ku boorriyay Dowladda Federaalka inay ku dhaqaaqdo wadatashiyo degdeg ah oo lala sameeyo dadka arrintu khuseyso, kuwaas oo looga dan-leeyahay diyaarinta iyo soo gudbinta warbixinteeda bisha Oktoobar 2015 si loogu diyaar garoobo Dib-u-eegista Xilliyeysan ee Caalamiga ah sanadka 2016.

Khabiirka Madaxabanaan wuxuu yiri “Dowladda Federaalka, iyadoo kaashaneysa beesha caalamka, waxay u baahantahay in loo qoondeeyo dhaqaale ku filan oo lagu xoojiyo hay’adaha u xilsaaran sarreynta sharciga iyo in la xaqiijiyo in maamul goboleedyada ku-meelgaarka ah ay ka faa’iideystaan Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladdu waa inay ansixisaa sharciyada muhiimka ah ee xuquuqul insaanka caalamiga oo ay ka mid yihiin Heshiiska Xuquuqda carruurta iyo xeerkiisa ikhtiyaariga ah ee ku saabsan carruurta qeybta ka ah dagaallada hubeysan iyo Heshiiska Ciribtirka Dhamaan Noocyada Takooridda Ka-dhanka ah Haweenka (CEDAW).”

“Sidoo kale, waxaan ugu baaqayaa maamullada inay xaqiijiyaan in warbaahinta loo ogolaado xaqa ay u leeyhiin xorriyadda hadalka iyo sidoo kale in la xaqiijiyo amniga warfidiyeenada. Isla markaana, waxaa waajib ku ah Warbaahinta inay u tebiyaan wararka si xirfad oo mas’uuliyad ku dheehantahay,” ayuu raaciyay.

Khabiirka Madaxabanaan wuxuu ku boorriyay Dowladda Federaalka inay xaqiijiso in mabaadi’da iyo halbeegyada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka lagu daro marka la gudbinayo sharciyada kala duwan, oo ay ka mid yihiin hindise sharciyeedka warbaahinta iyo midka ka-hortagga argagixisada. Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo gudbiyo hindise sharciyeedka lagu sameeynayo hay’adda Qaran ee xuquuqda aadanaha.

Mr Nyanduga wuxuu booqday magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Garowe iyo Hargeysa sideedii maalmood ee safarkiisa shaqo uu ku guda jiray, wuxuuna wadahadallo la yeeshay Siihayaha Wasiirka Arrimaha Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee DFS, Xeer-ilaaliyaha Guud iyo madax kale oo sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hogaamiye ku-xigeenka Labaad ee Maamulka Kumeelgaarka Jubba, Wasiirada Maamulka Kumeelgaarka Jubba, Madaxweynaha Maamulka Puntland, Wasiirro iyo madax sare oo ka tirsan Maamullada Puntland iyo Somaliland.

Khabiirka Madaxabanaan wuxuu sidoo kale shirar la qaatay Nicholas Kay, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), madax ka socotay hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya iyo weliba hay’adaha aan dowliga ahayn ee caalamiga ah ee kuwa dalka ka dhisan iyo Warbaahinta.

Mudane Nyanduga wuxuu ku talajiraa inuu booqasho labaad ku yimaado Soomaaliya ka hor inta uusan warbixintiisa iyo talooyinkiisa u gudbin Golaha Qaramada Mudoobay ee Xuquuqda Aadanaha bisha September 2015, taas oo looga danleeyahay in lagu kaalmeeyo Dowladda sidi ay u gudan lahayd waajibaadka ka saaran xuquuqda aadanaha.

 

Previous Post

Baarlamaanka oo meel mariyay sharciga ilaalinta xuquuqda carruurta

Next Post

Bayern Munich, iyo FC Cologne oo Badiyay iyo Hertha Berlin oo Ka Badisay Borussia Dortmund

Next Post

Bayern Munich, iyo FC Cologne oo Badiyay iyo Hertha Berlin oo Ka Badisay Borussia Dortmund

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ku beegan 27-ka Juun, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dabbaaldegaysaa sannad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu...

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In