Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad ay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ku wareejinaysay gaadiid iyo qalab casri ah oo loogu talagalay ka hortagga walxaha qarxa ee la farsameeyo (C-IED), kaas oo la guddoonsiiyay Ururka Sancada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Qalabkaan iyo gaadiidka ayaa waxaa gudoonsiiyay masuuliyintaan Safiirka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King.

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in qalabkan cusub uu ka tarjumayo taageerada joogtada ah ee Boqortooyada Ingiriiska ay la garab taagan tahay horumarinta awoodda iyo xirfadaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in qalabkani si weyn u kordhin doono badqabka iyo hufnaanta howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska taageerada istiraatiijiga ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu laf-dhabar u yahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad, xasillooni iyo mustaqbal waara oo ay Soomaaliya ku tallaabsato.

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Next Post

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Next Post
Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In