Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Qadar ayaa si kulul u canbaaraysay qaanuun cusub oo ay Isra’il iqaamada kala noqonayso Falastiiniyinta deggan bariga Qudus hadii ay sugnaanto in Falastiiniyiintaasi ay xiriir la leeyihiin waxa ay ugu yeereen Ururada xagjirka ah.
Bayaanka ka soo baxay Dowladda Qadar ayaa intaa raaciyay in qanuunkaasi iqaamada lagala noqonayo Falastiiniyiinta ku nool Bariga Qudus oo ka soo baxay Kaniisada Isra’il uu awood buuxda u siinayo Wasiirka arrimaha gudaha ee Israi’il inuu qaado talaabo kasta ee ka dhannka falastiiniyiintaasi hadii lagu cadeeyo inay xiriir la leeyihiin waxa ay ugu yeereen Argagixisada.
Dowladda Qadar ayaa ku tilmaantay qaraarka ka soo baxay Kaniisada Isra’il in uu khilaafsanyahay Qaanuunka Dowliga ah ,kan bani’aadanimada iyo heshiiyada qaramada midoobay ee xuquul insaanka la xiriir,waxayna Qadar ugu baaqday mujtamaca dowliga inay ka hortagaan talaabadan.
Dhanka kale waxay Dowladda Qadar ay muujisay inay sii xoojinayso taageerada dhan kasta ah oo ay u fidinayso shacabka falastiin sidii uu uga talin lahaa masiirkiisa sharciga oo ay ka mid tahay dhismaha dowlad Falastiin ah oo madax banana xuduudeeduna yahay kii sanadkii 1967-dii, isla markaana caasimadeedu tahay magaalada barakeysan ee Qudus.
Qaanuunkan cusub oo ay kaniisada Isra’il dhowaan soo saartay ayaa qoraya in 320 kun falastiiniyiin ah oo ku nool bariga magaalada Qudus aysan muwaadiniin aheyn.
Dhanka kale Ururka midowga Yurub bayaan uu jimcihii soo saaray ayaa ka digay in Israi’il ay meel mariso qaaraarkan cusub ay kula dhaqmayso falastiiniyiinta deggan bariga Qudus.
Sidoo kale Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa canbaaraysay qaanuunka cusub kaniisada Israi’l ay soo saartay kaasoo ka dhan ah falastiiniyiinta deggan Bariga magaalada Qudus,waxayna talaabadaa ku tilmaantay mid aan sharci aheyn dimoqoraadiyadana ka soo horjeeda.