Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay dadaallada wada-hadalka qaran ee Yemen

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
DFS Oo Taageertay Shacabka Reer Awdal Ee Garab Istaagay Midnimada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa ay soo dhaweysay, wada-hadalka qaran ee laga yeelanayo arrinta Yemen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa bayaan rasmi ah oo ay soo saartay, ku tidhi sida tan:-

Related posts

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

March 14, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

March 14, 2026

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa doorka masuuliyadeed ee wax-ku-oolka ah ee Boqortooyada Sacuudiga, ay ka qaadanayso horumarinta dadaallada lagu xoojinayo wada-hadalka qaran ee Yemen, gaar ahaan hindisaha ay martigelinayso shir ballaaran oo ka dhacaya Riyaad, kaas oo ku yimid codsi ka yimid hoggaanka sharciga ah ee Jamhuuriyadda Yemen.

Dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa in hindisahan uu muujinayo ka-go’naansho dhab ah oo ku wajahan wada-hadal iyo is-afgarad, isla markaana uu abuuro hannaan siyaasadeed oo dhammaystiran oo u oggolaanaya dhammaan dhinacyada Yemen inay si nabad ah u soo bandhigaan aragtidooda, iyadoo la ilaalinayo midnimada, madax-bannaanida, amniga iyo xasilloonida dalka Yemen.

Sidoo kale, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa qaddarinta ay u hayso dadaallada heer gobol iyo heer caalami ee lagu taageerayo shacabka walaalaha ah ee Yemen, si ay uga gudbaan caqabadaha ka jira marxaladdan adag. Waxay adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay ka-qaybgal dhab ah oo mas’uuliyad qaran ku dhisan, kaas oo mudnaanta siinaya danta guud ee qaranka.

Ugu dambayn, Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay taageeradeeda dhammaan hindisayaasha daacadda ah ee lagu doonayo in lagu gaaro nabad waarta, looguna marayo wada-hadal iyo is-faham, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Yemen loona ilaaliyo midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida dalkaas.

Previous Post

Isdiiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka Gaalkacyo oo heer gabo-gabo ah maraya

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqasho dhiirrigelin ah ku tagay fariisimaha hore ee gobolka Hiiraan

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqasho dhiirrigelin ah ku tagay fariisimaha hore ee gobolka Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqasho dhiirrigelin ah ku tagay fariisimaha hore ee gobolka Hiiraan

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda  Qatar u fadhiya Soomaaliya,...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraar uu meel mariyay Baarlamaanka gobolka...

Ciidanka NISA oo war kasoo saaray hawlgal lagu dilay xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka NISA oo war kasoo saaray hawlgal lagu dilay xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday maleeshiyaad iyo...

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In