Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka Golaha Ammaanka ee QM oo liiska cunaqabateynta 1844 loooga saarayey Sheekh Atom

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 20 December 2014 – Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa soo dhoweysey go’aanka Golaha Ammaanka ee QM oo ay liiska cunaqabateynta 1844 ay uga saareen hoggaamiyahii hore ee Al-Shabaab Sheekh Maxamed Saciid “ATOM” oo horey u shaaciyey inuu nabada qaatay.

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuhulow, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxey soo dhoweyneysaa go’aanka Golaha Ammaanka QM oo ay Sheikh Atom uga saareen liiska cunaqabatenta 1844. Dowladda ayaa la xaajootay QM iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM si loogu guuleysto in muwaadin Soomaaliyeed oo ka baxay kooxaha argagaxisada isla markaasna nabadda qaatay in laga saaro liiska cunaqabateynta. Tani waa tallaabo weyn oo Atom kaliya ma ahee xitaa dhammaan dadka nabadda jecel ayey guul u tahay. Tani waa habka uu caalamka isku raacsanyahay oo lagu gaari karo nabad. ”

Related posts

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025

DFS waxey fahamsantahay in Soomaali badan ay Al-Shabaab u raaceen dhaqaale iyo sababo kale. Haddase waxaa cad in DFS ay dadkaas u heyso fursad oo ay caalamka ugu ololeyn karto xoriyadooda. Shaqsi walba oo doonaya inuu qoriga iska dhigo oo nabad qaato waa la soo dhoweynayaa, tanoo ah ballan qaad rasmi ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa horey cafis ugu fidiyey shaqsiyaadka doonaya inay nabadda qaataan. Sheekh Atom waxuu qaatay nabad, haddana waan u jeednaa faa’iidada nabadda oo maanta waa nin xor ah. Atom waxuu ballanqaaday inuu sii xoojinayo nabada oo uu doonayo inuu tusaale fiican u noqdo shaqsiyaadka weli xubnaha ka ah kooxda Al-Shabaab ee doonaya inay qoryaha iska dhigaan oo nabadda ay qaataan. Atom ayaa horey u yiri ‘Waddada aan doortay waa midda Nabadda.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ammaanay dadaalka Atom oo uu ku doonayo inuu ku caawiyo Soomaalida, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed. DFS waxey u mahadcelineysaa QM iyo waddamada caalamka ee gacanta ka geystey arrinkan, oo oggolaaday codsigii dowladda ee ahaa in muwaadinkeeda laga saaro liiska cunaqabateynta.

DFS waxey gacan nabadeed u fidineysaa dhammaan shaqsiyaadka doonaya inay qoriga dhigaan oo nabada qaataan. Muwaadin kasta waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay inay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka. Cid ku guuleysan karta ama ujeedooyinkooda ku gaari karta dagaal ma jirto, oo dagaalku waxuu dhaliyaaa dagaal, oo dagaal xal uma noqon karo caqabadaha na heysta. Waxaan rabnaa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa dalkooda wax u tara oo anfaca, waxaana dooneynaa inaan dhalinyarada u abuurno fursado shaqo, waxbarasho, xirfado ay ku shaqeystaan, iyo inaan awood u siino sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen siyaasadda iyo inay aayahooda ka tashadaan.

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa ku soo gabogabeeyey: “Dowladdu waxey sii wadeysaa inay taageerto shaqsiyaadka nabadda qaata oo dagaalada iska daaya. Waa dhici kartaa in shaqsiga ay ku adkaato, hase yeeshee cidii qiratay danbigooda waxey helayaan fursad lagula hadlo oo nabadeyntu ay ku hirgasho. Haddii kale waddada aan nabada aheyn waa midda dalka ku sii siyaadineysa rabshadaha. Soomaaliya waxaa iska leh Soomaalida doorbida nabadda iyo ka qeybqaadashada dib u dhiska dalka. Dowladdu aad bey kuu soo dhoweyneysaa. Diinta Islaamku waa diin nabadeed oo dhammaanteen waxaa nalaga doonayaa inaan kor u qaadno oo weyneyno diinteena nabadda ah.”

DHAMAAD, Wasaaradda Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha, [email protected]

Previous Post

Taliska Nabad gelyada Waddooyinka ee taraafiko oo xusay aas aaska ciidanka booliska

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

December 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In