Thursday, October 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an gaaridda barta guusha dayn cafinta.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Maqaallo
0
Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an gaaridda barta guusha dayn cafinta.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa sidii looga cafin lahaa daymaha uu caalamka ku leeyahay dalkeenna, si hadafkaasi loo gaaro Xukuumadda waxay dhowr mar oo hore ku celcelisay in waqti badan la geliyay sidii daymaha Soomaaliya lagu leeyahay looga cafin lahaa,Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay qorshihii yoolkaasi lagu gaari lahaa,waxaana la gaaray guulo la taaban karo bilihii ugu danbeeyay.

Ra’iisul-wasaaraha XFS oo hadda ku sugan dalka Maraykanka ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Bankiga Aduunka, Hay’adda lacagta aduunka iyo dowladaha kale ee ka qaybgalay shirka sanadlaha ah ee IMFta iyo Bankiga Aduunka oo lagu qabtay  magaalada Washington ee Caasimadda dalka maraykanka.

Related posts

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

November 13, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

December 29, 2022

Dayncafinta.

Dowladda Soomaaliya, waxaa ka go’an gaaridda barta go,aanka dayn cafinta, waxayna u gudubtay SMP4, iyadoona beesha caalamku ku amaantay dadaallada hagar la’aaneed ee arimaha dayn cafinta,taasi oo fure u  ah horumarka dalka, geedi-socodka dayn cafinta waa guul, waxaana ka faa’iideysan doona dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaa, waxayna fursado ka helayaan Maalgashiga ilaha dhaqaale oo ballaaran oo laga helayo Hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah (IFIS).

Shirkii iskaashiga 2 oktober oo lagu amaanay Hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya.

Shirkii iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka ee dhawaan lagu qabtay Muqdisho, Wuxuu soo dhaweeyay iskaashiga,Soomaaliya ee barnaamijkeeda dayn cafinta iyo horumarka la taaban karo ee ka muuqdo dhinaca  dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dowladda ee dalka oo dhan.

Waxaa sidoo kale kulankaasi lagu bogaadiyay dadaallada dib u habaynta Soomaaliya oo dhan, looga hirgalinayo hab maaliyadeed dhaxal-ga ah, taas oo gogol xaar u noqonaysa kobac iyo horumar loo wada dhanyahay albaabadana u fureysa ilo dhaqaale oo wax looga qabto sababaha keena faqriga iyo u nuglaanta saboolnimada.

Shirka sanadlaha ah iyo wajiga Smp4.

Kulankaan oo sanadkaan lagu qabtay magaalada Washington ee dalka Maraykanka  waxaa ka soo ifbaxay yididiillo farxadeed oo muujinaysa in shacbiga Soomaaliyeed dhawaan guran doon miraha ka dhasha dadaalkii dowladda Soomaaliya u gashay in Soomaaliya laga cafiyo daymaha, si loo gaaro barnaamijyo ballaaran oo horumarineed oo dalka ka taabba gala.

Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga adduunka ayaa sidoo kale si diirran u soo dhaweeyay sida  dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay fulinta dib u habaynta shuruudihii loo qaabeeyay dayn cafinta.

Dib u habaynta maamulka maaliyadda dalka, waxa cabirkeedu ahaa gaarista hadafyada wajiga Afaraad ee la xaqiijiyay, haddana waxaa socda dadaallo loogu gogol xaarayo ka guul gaaridda qaybta Afaraad.

Dhanka kale Agaasimaha maamulka hay’adda lacagta aduunka IMF Mrs Kristalina Georgieva oo Washington kulan doceed kula qaadatay Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre magaalada Washigton ayaa Ku dhawaaqday in si buuxda ay u taageersan tahay dadaallada loogu jiro in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay horaanta 2020, “Waxaan kulan mira dhal ah shalay kula qaatay xarunta dhexe ee IMF ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo aan ugu hambalyeeyay dhaqan galinta xooggan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib u-habeynta dhaqaalaha iyadoo ay jireen caqabado badan”ayay tiri Kristalina.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay Mareykanka waxaa uu ka qeyb-galay Shirka IMF Iyo Bangiga Adduunka, isaga oo sidoo kale kulmmo doceedyo la yeeshay madaxda ka qeyb-gashay shirkaas.

Hannaanka maamulka maaliyadda dalka, wuxuu cagta saaray waddadii saxda ahayd, tusaale ahaan uruurinta dakhliga billowgii Sanadkan illaa July 2019, waxaa uu ka sara maray intii la filayay.

Hay’adda IMF waxay soo dhowaysay nidaamka mushaar bixinta dowladda iyo lacagaha taleefoonada gacanta la isugu diro,kaasoo muhiim u ah barnaajika dayn cafinta iyo degganaashaha dhaqaalaha dalka.

W/D. Gobdoon

Previous Post

Horjooge ka tirsanaa Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay Gobolka Hiiraan.

Next Post

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Koonfurgalbeed Soomaaliya oo Magaalada Baydhabo ka daahfurtay Mashruuca Daweynta Xoolaha.

Next Post
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Koonfurgalbeed Soomaaliya oo Magaalada Baydhabo ka daahfurtay  Mashruuca Daweynta Xoolaha.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Koonfurgalbeed Soomaaliya oo Magaalada Baydhabo ka daahfurtay Mashruuca Daweynta Xoolaha.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In